Madaxweynaha Turkiga iyo Xisbigiisa oo Laga Gacan Sareeyay.

Istanbul, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa AK Party ayaa guuldaro siyaasadeed kala kulmay doorashadii dawladaha hoose ee dalkaasi ka dhacday, waxaana ay wajahayaan inay dib u eegaan siyaasadaha ay ku ololeeyeen iyo xaalada dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.

Sidoo kale xisbiga AK Party ayaa waayey gacan ku haynta Caasimada Ankara, oo ay olole adag kala kulmeen intii lagu gudo jiray doorashada.

Natiijadii ku meelgaadhka ahayd ayaa muujinaysa in xisbiyada Mucaaridku ay hogaaminayaan sidoo kale inay ku soo baxaan magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu balaadhan dalka Turkiga.

Waxaana marka natiijadaasi lagu dhawaaqo ay xaqiijin doontaa hoos u dhaca weyn ee ku yimid Erdogan iyo xisbigiisa tan iyo intii uu maskaxda ka qabsaday dalka Turkiga 2003 oo uu ahaa Raysal Wasaare.

Magaalada Ankara, xisbiga Mucaaridka ah ee People’s Republican Party (CHP) ayaa in ka badan boqolkiiba 50 helay codadkii la dhiibtay halka xisbiga AKP uu helay 47 percent, sida ay ku warantay wakaalada Wararka ee Anadolu.

HORN CABDLE TV.