Golaha Wakiillada Somaliland Oo Meel-mariyey Xeerka Xawaaladaha

Golaha Wakiillada Somaliland Oo Meel-mariyey Xeerka Xawaaladaha

Nin Maraykan Ah Oo Loo Xidhay Faraxumayn Uu Ka Geystay Dalka Kenya
Degdeg: Duqeymo Cirka Ah Oo Ka Dhacay Puntland
Weftigii Xisbiyada Somaliland Ee Socdaalka Ku Joogay Kenya Oo Kulan La Yeeshay Raila Odinga
UK : 1 Milyan oo Qof ayaa usoo baxay in lagu Sii jiro EU.
Hargeysa: Cirro Oo Cisbitaal Ku Booqday Weriye Boolisku Dhibaateeyeen

Hargeysa (HCTV) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta Ansixiyey Xeerka Xawaaladaha, kaasi oo muddo dheer hor-yaallay.

Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada oo Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxay Xildhibaannadu qodob qodob ugu codeeyeen Xeerka Xawaaladaha oo muddo hor-yaalay isla-markaana dhowr fadhi kaga doodeen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo ku dhawaaqaya Natiijada u codaynta Xeerkaasi ayaa yidhi “Xeerka Xawaaladaha Somaliland waxa ansixiyey 35 Xildhibaan, 5 Xildhibaan way diideen, 7 Xildhibaan way ka aamuseen, xeerkaasi sidaas ayuu ansax ku yahay..”

Xeerkana ayaa wuxuu ka kooban 28 qodob.

 

Horn Cable Tv

COMMENTS

%d bloggers like this: