Akhri: Xisbiga UCID Oo Mu’aamaraad Ku Tilmaamay Talaabada Djibouti Ee Ganacsade Geelle

“Djibouti Ma Aqoonsana Somaliland, Cid U Dhalatay Oo Xeerarka Caalamiga Ahi Ay Qabanayaana Ma Jirto” Ramaax, Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga UCID

Hargeysa, (HCTV) – Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa duulaan iyo gardaro ku tilmaamay arinta la xidhiidha ganacsade Axmed Cisamaan Geele oo xukuumada dalka Djibouti ay doonayso inay dacwad kaga furto Maxkamadaha Somaliland.

Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Xoghayaha Guud ee Arimaha Gudaha ee xisbiga UCID ayaa wax aan la aqbali karin oo faragalin ah waxa uu ku tilmaamay damaca dalka Djibouti ku doonayo inay dacwado ku furan Ganacsade Axmed Cismaan Geele.

Mr Ramaax Xoghayaha Arimaha Gudaha ee xisbiga UCID oo shir jaraa’id ku qabta maanta magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Shirkan jaraa’id waxaan u qabtay maanta amuur runtii halis ku ah ama mu’aamaraad dalka loo soo maleegay oo la doonayo in bulshada reer Somaliland la’ iskaga hor keeno.

Iyo in la shaki galiyo maalgashadayaasha Somaliland, waxaanu u aragnaa hadaanu nahay xisbiga UCID oo aan u hadlayo markaanu ka tashanay arinkan foolxumada badan oo aan mid kaliya ahayn oo lagu weerarayo maalgashadayaasha dalkan Somaliland ama muwaadiniintiisaba oo ka imanaya cadowyada koowaad ee dalkani leeyahay, waad ogtihiinoo dad badan ama dalal badan oo aynu jaar nahay ama dunida ku nool ayaa hortaagan ama aan ogolayn gooni isku-taaga Jamhuuriyada Somaliland, waxay ka mid tahay marka muwaadiniintiisa oo aan xaq ugu lahayn loo soo maleegayo mu’aamaraad, loona soo dhexmarayo kooxo yaryar oo iskaashaday oo aan qabo in aanay xukuumadu ka war haynin.

Hase yeeshee, waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada Somaliland in cid kasta oo falalkaasi ku shaqo leh ay talaabo degdeg ah ay ka qaado, waxa aan marnaba dhacayn ah.

Waxaan soo qaadanayaa maahmaahdii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu Djibouti ku yidhi ‘Takartii Maroodiga dul fuushanayd ee ku tidhi waan duulayaaye is adkee, maroodigii wuxuu ku jawaabay, kumabaan ogayn inaad I dul saaran tahay’ Somaliland waa Maroodigaas.

Mu’aamaraadka laga soo abuurayo Djibouti ee la rabo in lagu khalkhal galiyo xukuumada Jamhuuriyada Somaliland iyo muwaadiniinteeda isku duuban oo isku mid ah, waxaanu leenahay Maroodigaas ayaanu nahoo socon mayso ‘takareey ama duul kumabaanaan ogayne.

Kiiska loo haysto ee maalmahan aydun maqlayseen ee ganacsadahaasi weyn ee warshadaha dalka ku leh ee maalgalinta badan dalka ku leh, ee muwaadinka ah waxaanu u aragnaa inuu qalad yahay.

Djibouti ma aqoonsana Somaliland, cid Somaliland u dhalatay oo xeerarka caalamiga ahi ay qabanayaan khaasatan kuwa Djibouti aynu gaarka ula galnay mooyaane ma jirto.” Ayuu yidhi Mr Ramaax oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID.

HORN CABLE TV,