Ma Biyo La’aan Baa Jirta Mise Dayactir La’aanta Mishiinnada Ceelasha Ayaa Keenaysa Qaylo-dhaanta Xoolo-dhaqatada ?

Hargeysa (HCTV) – Xilligan oo degaanno badan oo ka mid ah Somaliland ay ka soo yeedhayaan Qaylo-dhaan Biyo la’aaneed iyo kulayl roob la’aaneed, ayaa waxa Masuuliyiinta qaarkoodna soo jeedinayaan in intaan Roobabka Gu’gu bilaabmin la sameeyo Biyo-xidheeno waaweyn, si looga faa’iidaysto biyaha Roobka ee Badda galaya.

Laakiin, Taa beddelkeeda Muwaadiniinta la socda xaaladda Dalka, ayaa qaarkood aaminsan yihiin inaan Somaliland biyo yaraani soo waajahdeen Dadka Xoolo-dhaqatada ah ee Sannad walba ka cawda Biyo la’aanta, haddii Dawladdu si joogto ah u dayactirayso Mishiinnada Ceelasha biyaha ee Gobollada Dalka, kuwaasi oo badankoodu xumaada marka la gaadho xilliga kaliisha, maaddaama oo xilligaa isticmaalka biyuhu aad u kordho.

Qaylo-dhaanta Biyo la’aaneed

Saddexdii Toddobaad ee u dambeeyay waxa Gobollada Somaliland qaarkood ka soo yeedhayey Qaylo-dhaan ay Dadku ku dalbanayaan in Gurmad biyo ah lala soo gaadho.

Dadka xoolo-dhaqatada ah ayaa qaarkood waxay sheegeen in Baraagihii ay biyaha ka cabbi jireen ka dhamaadeen, sidaasi darteedna ay deg-deg ugu baahan yihiin in Biyo lala soo gaadho oo la bedbaadiyo iyaga iyo Xoolahoodaba, taasi oo Dawladdu meelaha ka jawaabtay oo ay gaadhsiisay, inkasta oo aanay qaylo-dhaantu istaagin.

Ceelasha Biyaha Ee Xumaaday

Deegaannada Qaylo-dhaantu ka soo yeedhayso, qaarkood kama jiraan Biyo la’aani, balse waxa fadhiistay Mishiinnadii ama Daynamooyinkii biyaha ka soo saarayey Ceelasha.

Ceelasha Daynamooyinka ka xun yihiin waxa ka mid ah Ceelka Dameero boob ay ku yaalla Gobolka Gabiley isla-markaana meelo badan looga soo aroori jiray.

Dadka halkaa ku dhaqan oo Saxaafadda la hadlay ayaa codsaday in loo hagaajiyo Daynamooyinka Ceelka Biyaha ka soo tuuro, waxayna farriin u dirsadeen Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

Deegaanno badan oo ka mid ah Gobollada bariga ayaa waxa iyagana Ciladoobay Ceelasha biyaha.

Ceelasha aan Muddada laga cabbin ee u baahan in la hagaajiyo waxa ka mid ah Ceel-biyoodka ku yaalla degmada Qori-lugud ee Gobolka Buuhoodle, kaasi oo markii la qoday ka dib 20 Maalmood uun sii shaqeeyay, sida uu sheegayo Maamulaha Ceelkaasi, waxaanu yidhi “Riiggani ma shaqeeyo, marna daynabo ayaa ka gubatay, marna Bir baa ku go’day, markaa meesha waxa ka jira Harraad aad u daran, markaa waxaanu ogaysiinayaa in degaankan uu harraad ka jiro..”

Maamuluhu wuxuu sheegay oo kale “Riiggani wuxuu shaqeeyay 20 Maalmood oo qudha, dabadeedna wuu fadhiistay, degmada iyo Dawladda sare midna wax taakulo ah kama hayno” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dawladda wax Mushahar kama hayno 13 bilood, Cidladaa ayaan Riiggaa ku dul-fadhiyaa..”

Ugu dambayn, Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo Bilihii u dambeeyay  Ceelal biyood ka qodday Gobollada Dalka qaarkood, ayay muhiim tahay diwaangeliso Ceelasha biyaha ee Cilad u fadhiya isla-markaana dayactir ugu samayso si deg-deg ah, intaan la gaadhin in la sameeyo Biyo-xidheeno waaweyn.

 

Horn Cable Tv