2 Qodob Oo Luq-matul Xajar Ku Noqday Xisbiyada Somaliland

“Nasiib Daro Waxaan U Sheegayaa Bulsho Weynta Reer Somaliland In Labadii Qodoba Aanaan Heshiis Ka Gaadhin, Labadaa qodob oo ahaa………” 

Hargeysa, (HCTV) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay inuu fashilmay isla markaana lagu kala kacay shir maalmihii ugu dambeeyey iyaga iyo xisbiga Kulmiye uga socday magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga wadahadlayey qabsoomida doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka ee Somaliland oo muddoba muran ka taagnaa.

Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sidaasi qaar ka mid ah Warbaahinta u sheegay “Isniintaa maanta Isniinteedii ayay ahayd maalintii aanu Madaxtooyada isugu tagnay oo shir uu gudoominayey Madaxweynuhu, saddexda xisbi qaranka ay ka qaybgaleen halkaana ay ka soo baxday oo waliba qolada Kulmiye ay codsadeen in xisbiga Waddani iyo Xisbiga UCID ay waliba gooni isku arkaan.

Saddex maalmood ayaanu kulanay intii ka dambaysay oo aanu si gaar ah u kulanay wadahadaladayaduna inta badan laba qodob ayuunbay ku warwareegayeenoo. Qodobka koowaad oo ah Komishanka doorashooyinka ee hada jooga waxa aanu ka warqabnaa in aanu ahayn komishankii doorashada inoo qabanayey oo muddo xiloodkooduba uu dhamaanayo inta aan la gaadhin maalinta doorashada. Mar haday sidaa tahay in caqligu ina farayo in Komishankii doorashooyinka inoo qaban lahaa uu goor hore yimaado oo uu hawshiisa diyaarsado si doorashooyinku ay u qabsoomaan xiligii loogu talo galay ee sanadka dhamaadkiisa ahaa.

Qodobka kalena waxa uu ahaa in Komishankaa soo socda, kumishankii badalayey uu noqdo xisbiyadu in Komishan si siman loo soo qaybsado uu ahaado, labadaa qodob ayaanu ka wadahadlaynay,

Nasiib daro waxaan u sheegayaa bulsho weynta reer Somaliland in labadii qodoba aanaan heshiis ka gaadhin, oo ah ‘Komishankani inuu tago iyo in komishankii doorashada inoo qaban lahaa uu yimaado, runtii midhkaasi wuu ku adkaaday qoladii kale, mida labaadna waxa weeyi in si siman loo soo qaybsado” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

HORN CABLE TV.