Wadamada Carabta Oo Sheegay In Amaankoodu Khatar Ku Jiro

Tunis, (HCTV) – Xoghayaha Guud ee ururka Jaamacaa Carabta Axmed Aboul Gheit, ayaa sheegay in Iran iyo Turkigu ay khatar ku hayaan amaanka dalalka Carabta isla markaana ay dhibaato cusub ku abuurayaan dalalka Carabta, waxaanu ugu baaqay Wadamada Carabta inay u midoobaan siyaasadaha noocan ah.

“Faragalinta ka minaya dalalka aynu jaarka nahay ee gobolka – gaar ahaan Turkiga iyo Iran waxa ay uga sii darayaan dhibaatada iyagoo sii daba dheeraynaya in xala la helo,” sidaasi waxa yidhi Axmed Aboul Gheit hadal ka jeediyey Shirkii Jaamacada Carabta uga furmay dalka Tunisia.

Waxaanu intaasi ku daray Abu Gheit, “Amaanka dalalka Carabtu sanadihii u dambeeyey meesha ayuu ka sii baxayey, waxaanay wajahayeen khatarooyin farabadan. Waxaana loo baahan yahay in la sameeyo ciidamo mid ah oo ka hortaga faragalinta gobolka.

Mr Abu Gheit ayaa intaasi raaciyey Carabtu waa in aanay aqbalin ciidamo shisheeyo oo ay u ogolaadaan dalalkooda.

HORN CABLE TV.