Shirweynaha Xisbiga .D.SH.D.S oo ka Furmay Jigjiga.

Magaalada Jigjiga waxaa si rasmi ah uga furmay, Shirweynaha 10-aad ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida.

shirkan oo usbuucyadii lasoo faadhay qabanqaabadiisa laga dareemeyay deegaanka soomaalida ee dalka ethiopia waxaa ka qayb galay Madaxwaynaha deegaanka soomaalida Mustafe Muxumed Cumar,Gudoomiyaha Xisbiga SH.D.S Mudane Axmed Shide iyo xubnaha xisbigaasi oo ka kala yimi Degmooyinka DDS.

Arrimaha sida wayn loogu gorfaynayo waxaa ka mid ah daadejinta  Isbadalka siyaasadeed ee ka dhashay deegaanka soomalida.

maalmihii lasoo dhaafay, masuuliyiinta xisbigu waxay ku mashquulsanaayeen sidii loo xuli lahaa dadka ka qayb galaya shirka xisbiga iyo shuruudaha lagu qaadanayo.

HORN CABLE TV.

JIGJIGA.