Hargeysa: Tirada Khasaaraha Ka Dhashay Dab Ka Kacay Xaafadd Ay Degan Yihiin Dad Barakacayaal Ah Oo Korodhay

Hargeysa, (HCTV) – Dab xoog leh ayaa ka kacay Xaafada isku raran ah oo ay degan yihin dad barakacayaal ah oo ku taala duleedka Bari ee magaalada Hargeysa, abaaro 4:30-kii Habeenimo.

Dabkan ka kacay Xaafadan oo loo yaqaano Istanbul ayaa sida la ii xaqiijiyey waxa ku geeriyooday laba qof oo ah Haweenay da’ah.

Wariye Axmed Cige oo gaadhay Goobta dabku ka kacay Salaadii Subax kadib ayaa ku waramaya in dabku uu baabiiyey badi guryihii ku yaalay xaafadaasi Barakacayaasha ee Istanbul, oo ka samaysnaa cooshado buulal ah.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda si dhab ah looma xaqiijin kale khasaaraha dhimashada ee dabkaasi ka soo gaadhay dadkii degenaa xaafadaasi Barakacayaasha ee uu dabku qabsaday.

Waxaana markii uu Wariye Axmed Cige uu goobta gaadhay gurmad xool leh ku jiray ciidamada Dab Damiska oo iyagu la tacaalayey bakhtiinta Dabkaasi.

Mid ka mid ah Haweenkii dabkaasi guryahooda ka kacay kala soo cararay caruurteed oo aan la sheekaystay intii aan halkaasi ku sugnaa ayaa waxa ay ii sheegtay in iyada iyo lix caruur ah oo ay haysato iyo odaygeedii ay dabkaasi ka soo samatabaxeen oo aan wax dhibaato ahi ka soo gaadhin.

Balse waxa Haweenaydani ii sheegtay in ilmaha ugu yar caruurteeda oo ay dhabta ku haysay isla markaana ay Naaska Jaqsiinaysay xiligaasi uu ka xanuunsanayo oo Dhaxani ay hayso, waxaanay haweenaydani ku tiraabtay in guryaha la gubay.

Horn Cable TV.