Madaxweynaha Algeria Oo Is-Casili Doona 28-ka Bishan

Alger’s, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa iscasili doona inta aanay dhamaan mudo xileedkiisa afraad oo noqon doona 28-ka bishan April, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiskiisa oo ay soo xigatay Wakaalada Wararka ee APS.

Madaxweynaha dalka Algeria ayaa talaabadan u qaaday si loo sii wado hay’addo dawladeed oo shaqaynaya.

Xiligan uu soo baxay dhawaaqa Madaxweynaha dalka Algeria inuu iscasilayo ayaa ku soo beegmaya xili ay dibadbaxyo balaadhan oo ay ka qaybqaadanayaan malaayiin qof ay socod ku marayaan jidadka dalkaasi.

Waxaana isa soo tarayaa baaqyada loo jeedinayo ardayda iyo kuwa ka shaqeeya arimaha bulshada inay isku soo baxaan oo ay dhigaan dibadbaxyo balaadhan.

HORN CABLE TV.