Xukuumada Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Dhaweysay Wefti Ka Socda Midawga Yurub

Hargaysa, (HCTV) – Xukuumada Somaliland ayaa dalka ku soo dhaweysay wefti balaadhan oo ka socday Midawga Yurub kuwaas oo ka koobnaa 18 xubnood.

Weftigan oo wasiiradda Arrimaha Dibada Iyo Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland ay ku soo dhaweeyeen Madaarka Caasimada Hargaysa ee Cigal International Airport .Waftidan ayaa ka oo ka koobnaa 18Xubnood ayaa Wasiiradu ku qaabileen Qaybta VIP-da ee madaarka Cigal International Airport waxaana Loo soo Gudbiyey Hotel Ampasator .

Waftida ayaa inta ay dalka soogaan kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxweynaha Qaranka Somaliland Iyo Laamaha Xukuumadaba.