Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Ka Hadlay Qabsoomida Doorashada

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay qabsoomida doorashada Wakiilada iyo Golaha Deegaanka Somaliland, kaas oo sheegay in doorashadu ay wakhtigii loo mideeyey ay ku qabsoomi doonto.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland waxa uu sidoo kale ka hadlay kulan maalmihii u dambeeyey magaalada Hargeysa uga socday xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbul Xaakimka Kulmiye.

Mr Kaahin waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu shalay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Komishanka doorashooyinka waxa uu mudadiisu dhamaanayaa bisha November, xilkaa cidi kama qaadi karto, haday iyagu si madaxbanaan ay u yidhaahdaan waanu idin macasalaamaynaynaa iyadu waa meesheeda.

Komishankan doorashooyinka ee aanu leenahay waxa ay xambaarsan yihiin Xasaanad iyo sharaf uu ku soo qabtay doorashooyinkii ugu dambeeyey oo ay inaga istaahilaan inaynu si wanaagsan ugu mahadnaqno.

Waa inamadeenii hawlbaynu u dirnay, hawl adag bay ahayd, anagu waxaanu leenahay Komishankaasi hawl wanaagsan ayay qabteen. Haday doorashadaasi 2019-ka ay qabsoomi waydana dal ahaana dhib ayay inoogu tahay sharci ahaana dhib ayay inoogu tahay.

Anagu waxa aanu taaganahay doorashadii 2019-kii mudadii la qabtay ha lagu fuliyo, komishanku mudadii ay codsadeen ee tobanka bilood ahaa, maanta oo aynu bishii April joognana laba bilood ayaa dhamaaday oo meesha ka baxay, sideedaa bilood ee hadhay inay hawsha ku qabtaan ayaynu doonaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Laba dariiqo oo kaliya ayaa furan dariiqad saddexaad oo kale oo furani ma jirto. Labada dariiqo ee fasaxan ee sharciga waafaqsani waxa weeyi, Komishanka wakhtigiisii wuu dhamaadee komishan cusub ha la magacaabo iyo in ay komishankani ay doorashada sidaasi u qabtaan” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.

HORN CABLE TV.