“Musuqmaasuqu Wuxuu Ka Jiraa Dalkeena Halka Ugu Sarraysa..” Waddani

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in musuqmaasuqu u heerkii ugu sarreeyay ka marayo Somaliland.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayey Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Wasiirkii hore Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo Toddobaadkan Hargeysa kaga jawaabayey su’aalo Dadweynuhu waydiinayeen uu sheegay in aanay Lacagtii Imaaraadka lagaga kireeyay Saldhigga Berbera aanay sii qaddimanin, halka Wasiirka Maaliyadda ee xilka hayaana uu ka sheegay in Lacagtaa ay sii qaddimatay Xukuumaddii hore, sidaasi darteed haddii aanay Xukuumadda Madaxweyne Biixi arrimahaa ka jawaabi karin aanay macno badan Dadka u samaynayn haddii xilligan Masuul xilka laga qaado iyo haddii kale.

Xoghayaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Musuqmaasuqa Waddankeena ka jira inaad tusaale fiican ka hesho oo aad aragto waxa kuugu filan, Wasiirkii Madaxtooyada ee habeenkii dhawayd hadlayey wuxuu yidhi ‘Wax lacag ah oo aanu sii qaddimanay ma jirto’, Wasiirka Maaliyadda ee hadda fadhiyaana wuxuu yidhi ‘Waalla sii qaddintay lacagta Saldhigga, waa Dawladdii Kulmiye oo is haysata oo qolana leedahay Lacagtii saldhigga idinkaa sii cunay, qolada kalena leedahay imikaa la cunay, laakiin Xaqiiqada aynu ognahay waxa weeyaan in lacagtaa la cunay oo aanay Miisaaniyadda ku jirin. Lacagtaasi inay Imaaraadka ka timid, Cadadkeeda oo dhaba aynaan ogayn, meesha lagu kala qaatay aynaan ogayn, Miisaaniyaddana aanay ku jirin..”

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Markaas ayuu Madaxweynuhu intuu niman Wasiirro ah oo Masaakiin ah intuu hanti-dhowr geliyey ayaa la ina leeyahay Xeer-ilaalin baa wax loo gudbiyey, waxay ka dhigan tahay Siyaad Barre oo Qabyaaladdii aasay, markii dambana isagu jeebka kala soo baxay, Waayo? musuqmaasuqu wuxuu ka jira halka ugu sarraysa dalkeena.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu been ku sheegay in Xukuumaddu la dagalaamayso Musuqmaasuqa “Waa been iyo siyaasaddii Shuuciyadda iyo Dad iska jeedin, haddii la yidhaahdo waxaan la dagaalamayaa musuqmaasuq, Waayo? Haddaan laga jawaabi karin taa xagga sare ka imanaysa yaan la innagu dawakhin Qof yar oo Xilka laga qaaday ama la xidhay iyo Hanti-dhowr baa halkan maray..”

 

Horn Cable Tv