Haweenay Hindiyad Ah Oo Somalia Lagu Haystay Oo La’ Soo Samatabixiyey

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Hindia Narendra Modi ayaa si shakhsi ah u faragaliyey inuu dalka Somalia ka soo samatabixiyo gabadh muslimad Hindiyad ah oo loogu haystay Somalia, isla markaana loo gaystay jidh dil.

Haweenaydan oo 31 jir ah oo la yidhaahdo Afreen Gegum, ayaa laga soo furtay magaalada Muqdisho ee Somalia oo lagu haystay ilaa 28-kii bishii March iyada iyo sadde gabadhood oo ay dhashay, waxaanay haweenaydani markii la sii daayey ay ka dagtay garoonka diyaaradaha ee Mubai labadii bishan April oo maanta ah.

Dalka Hindiya ayaan isagu wax safaarad ah ku lahayn Somalia, balse kooxo Hindiyaan ah oo ku sugan Nairobi ayaa ka hawlgalay hawlgalka lagu soo samatabiyey haweenaydan iyagoo caawimo ka helaya bileyska Somalia.

Hase yeeshee, sharciga Somalia, ayaanogolayn in haweenaydu ay dalka Somalia ka bixi karto iyadoo caruurteeda wadata ogolaansho la’aan ama aan fasax laga haysan aabaha caruurta.

Arintaasina waa qodobka keenay in Raysal Wasaaraha Hindiya uu soo saragaliyo, kana hawlgalo oo uu kala hadlo dawlad asomalia, sidii si dhakhso ah loogu soo celin lahaa magaalada Hyderabad oo ay u dhalatay haweenayda Afreen Begun.

Waxaana sheekada Afreen Begum ku lamaan in sanadkii 2013-kii ay guursatay Maxamed Xuseen Duale oo wakhtigaasi shirkadd ku lahaa magaalada Hyderabad booqashana ay ku timid Somalia.

HORN CABLE TV