Gabiley: Magacyada Saddex Weriye Oo Maxkamaddi Xukuntay

Gabiley (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Gabiley ayaa Maanta xukun ku ridday Laba Weriye oo ka mid ah Suxufiyiinta halkaa ka hawl-gala, halka ay mid kalena Xorriyaddiisa u soo celisay.

Saddexdan Weriye oo hore Xabsiga loogu taxaabay, ka dib markii lagu eedeeyay inay dagaal gacan ka hadal ah ku qaadeen Askari ilaalo ka hayey Garoonka kubadda cagta ee Maxamed Faarax ee Gabiley oo xilligaa Wefti Ajaanib ah ku sugnaayeen, ayaa Maanta Maxkamaddu waxay laba ka mid ah Weriyeyaashaa ku kala xukuntay hal Sano oo Xadhig ah, mid kalena waxay ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah, halka mid kalena ay xorriyadiisa u soo celisay.

Dhegaysiga Dacwaddan oo socotay Saddexdii Maalmood ee  u dambeeyay ayaa Maanta la soo gunaanaday, waxaanu xukunkaasi kala ahaa Hal Sano oo xadhig ah oo Maxkamaddu ku ridday Weriye Siciid Nuux Kibbaar oo ah Weriye Muuqaal laga daawaday isagoo u hanjabaya Askari isla-markaana uu Askarigu rasaas ku riday, lix bilood oo xadhiga ah oo Maxkamaddu ku ridday Jacfar Axmed Hereri, halka ay Maxkamaddu xorriyaddiisa u soo celisay Maxamed Cabdi Cumar oo ah Weriyaha duubayey Muuqaalka laga daawaday dhacdada lagu haysto Weriyeyaashan.

Xukunkan waxaan ku qancin Xeer-ilaalinta Gobolka Gabiley, kuwaasi oo rafcaan ka qaatay markiiba.

Horn Cable Tv