Odayaasha Deegaanka Mandheera Oo La Barayo Ka Hor-tagga Xagjirnimada

 Ismaamulka magaalada Mandheera ee waqooyi bari Kenya, waxaa ka socda Tababaro ay dabada ka riixayso Dawladda kenya, gaar ahaan Maamulka degmadaasi, iyadoo la barayo ka hortagga  xagjirnimada.

Waxgaradka iyo culimada iy qaybaha bulshada ee deegaankaasi ayaa tababarka ka qayb qaadanaya, waxaana la barayaa sida loo garto loogana hortago dadka xambaraasan fikradaha xagjirnimada, sida uu wargeyska Dailynation u sheegay khabiir arrintaasi ku takhasusay oo lagu magcaabo Ciise Maxamed.

“ wakhti xaadirkan, Xaaladda Degmadu way fiican tahay marka loo eego sanadihii lasoo dhaafay, lakiin Dawladda deegaanka, iyo qaybaha kale ee bulshadu waxay u baahan yihiin wadaxaajoodyo dheeraad ah oo ay kaga arrinsanayaan sida loo xakamaynayo ama looga hortagayo xajirimada” ayuu yidhi Mr ciisa Maxamed.

isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in mandheera lagu bartay dhacdooyin argagixiso oo galaaftay nafaha dad badan dhaawcyo badani sababay.

“waxaanu doonaynaa in dadka deegaanku ay awood u yeeshaan fahamka ay ku garan karaan calaamadaha ugu horeeya ee qofka ku lug leh xagjirnimada” ayuu yidhi mr ciise oo wargayska u waramayay.

Image result for mandera county

Gudoomiyaha ismaamulka Mandheera ayaa soo bandhigay Barnaamijyo wax loogu qabanayo laguna soo dhaweeyo dadka kasoo laabtay fikradaha Xagjirka ah.

intii u dhaxaysay sanadihii 2011-2014 waxaa halkaasi lagu dilay 64 qof  oo ka tirsan bulshada aan  Soomaalida ahayn, kuwaasi oo ay dileen dablay hubaysan oo kasoo talaaba xadka Soomaaliya.

sidoo kale shacabka Mandheera waxay culays dhaqaale kala kulmeen talaabooyinka ay dawladda kenya ku adkaynayso amniga deegaankaasi.

HORN CABLE TV.

Related image