Shilal la Yaab Leh Oo Kusoo Badanaya Somaliland.

Hargeysa, (HCTV) – Mudooyinkii u dambeeyey waxa si xoog leh ugu soo badanaya magaalooyinka Somaliland gaar ahaana Caasimada Hargeysa shilalka gaadiidka, kuwaas oo galaafta nafo badan, isla markaana ay waxyeelo jidheed, mid maskaxeed iyo mid dhaqaaleba ay ka soo gaadho shacabka.
Bishiii la soo daafay ee March ayaa iyadu ahayd bil ku suntan in shilal farabadani ay ka dhaceen dalka gaar ahaana wadooyinka caasimada Hargeysa uga kala baxa Bariga iyo Galbeedka dalka, waxaana shilalkaasi ay ka yimaadeen baabuur isku jiidhay jidka oo khasaare ka soo gaadhay dadkii saarnaa iyo kuwii waday baabuurtaasiba.
Marka laga yimaado shilalka Jidadka waaweyn ee Caasimada Bariga iyo Galbeedka kaga xidha magaalooyinka Berbera iyo Gabiley, waxa iyaguna jira shilal inta badan ay sababaan baabuurtu oo ka dhaca gudaha Magaalada Hargeysa, ha ugu badnaadaan baabuurta yaryar ee loo yaqaano Vitz-ta’e oo iyagu sababa badi shilalka gaadiidka.
Hase yeeshee, waxa iyaguna jira shilal inta badan dhaca oo ah gaadiid gala guryo, kuwo dalcad ka soo daadagaya oo inta ay dib usoo noqdaan qalibma ama Guryo gala oo khasaare geysta iyo kuwo lagaba waayo in Biriigba laga waayo oo khasaare naf iyo moodba leh geysta.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii magaalada Hargeysa gaadhi Booyadd ahi ay jiidhay Qori/Tabeelo kuwo Korontada ama Laydhka ah oo xadhiga dabka ee Laydhku ku xidhnaa, waxaana Xadhigii laydhku uu qabsaday Guri Sandaqad ah, halkaas oo uu ku dhintay Aabihii Guriga Laydhku Qabsaday oo markaasi Gurmad u fidinayey Caruurtiisa oo Albaabkii Gurigoodu uu ku dhagay balse aanu Illaahay waxba ku yeelin Caruurtii marka laga yimaado Aabihii Gurmadka fidinayey oo isagu ku geeriyooday, dhacdada shilkaasi naxdinta leh ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale Todobaadkan ayay ahayd markii Golaha Guurtida Somaliland ay kalfadhigoodii 68aad farqadiisa 4aad oo ku saabsanaa ‘Xall u helida Mashaakilka ay Keenaan Shilalka Gaadiidku’, kaga hadlay, halkaas oo xildhibaanadii doodahooda ka dhiibtay kalfadhigaasi ay ka hadleen waxyaalaha inta badan keena shilalka gaadiidka iyo siyaabaha lagu yarayn karo.
Hadaba waa kan Xildhibaan Caydiid Cilmi Maxamed oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland Waxaanu yidhi “Shilalka gaadiidka waxyaalo badan ayaa sabab u ah, wadooyinka googo’ay ayaa ka mid ah, baabuurta oo Jeekin (checking) aan la marin ayaa ka mid ah, waxa kamid ah wadadii oo aan lahayn meel dadku maro ama dadku ay ka talaabaan, baabuurtuna iska taagi mayso, markaa dadweynuhu sidii ay uga talaabi lahaayeen waa in xaqeedii ay helaan.
Maalintii hadaad dhaqaysato warbaahinta (media-ha) waxa laga yaabaa in dhawr iyo toban meelood ay shil ka dhacaan, arintaasi waa arin dhibaato inagu wada haysa, waa arin aafo ah. Gaadhi ayaa shil galaya qof ayuu jiidhayaa oo uu dilayaa, afar qof ayaa inta ay isku timaado ayaa wax la’ kala saxeexanayaa, waar dawladu ciqaab ayay lahaan jirtay, qofku qofbuu dilay, nafbuu gooyay, wuu dhintay, durba waa laga heshiiyey, dawladu waa in ay ciqaab samaysaa.” Ayuu ku dooday xildhibaanku.
Xildhibaan Xildhibaan Jirde Siciid  oo isaguna doodiisa ka dhiibtay kalfadhiga 68aad ee golaha Guurtida oo ku saabsanaa
“Maanta waxa aynu ka hadlaynaa oo aynu gudo galaynaa kalfadhiga 68aad qodobkiisa 4aad oo ah Xal u helida mashaakilka ay keenaan shilalka Gaadiidku.
Run ahaantii mashaakilka ay keenaan shilalka gaadiidku aadbay u farabadan yihiin marka aan daraasad ku sameeyey, kow, waddo xumo;- wadadii ay baabuurtu mari lahayd oo googo’an, baabuurkii oo caadi u socda oo haadkiisii haysta ayaa haadka kale u gudbaya sidii maskii ayuu gaadhigii u socdaaba, qodobka labaad, waxa jirta in dirawaliinta gaadiidka wadaa ay u badan yihiin dhalinyaro aad da’doodu u yartahay oo aanad is-odhanaynba waa masuul, gaadhiga si ala sida uu doono ayuu u wadayaa, xawli ayuu ku soconayaa isagii oo wadada ay labada baabuur ay isku dhaafayaan aad u yartahay ayuu hadana xoog u soconayaa.
Markaa waa in la cayimo da’da la siinayo liisanka gaadiidka oo ilaa 25 qofka liisanka qaadanaya laga dhigo oo laga badiyo da’da ilaa 15-ka ee uu hada ku qaadanayo liisanka gaadiidka ayaan soo jeedinayaa, waxa kale oo aan soo jeedinayaa in la badalo dhinaca uu isteerinku gaadhiga kaga yaalo, waayo waxay qayb ka qaadanayaan korodhka shilalka gaadiidka ” Ayuu ku dooday xildhibaanku.
Sidoo kale xildhibaan Axmed Dirir oo isaguna doodaasi golaha Guurtida aragtidiisa ka dhiibtay ayaa waxa uu yidhi “Anigu markaa waxa aan soo jeedin lahaa in guddida nabadgalyadu ay soo curiso xeerkii guud ahaan haday noqon lahayd sharciga Waddo Marista, waa run xaga Wasaaradda balse xaga curunta sharciga waxa leh Golaha Guurtida, markaa in xaga toos toosinta sharciga aynu qayb ka qaadano tusaale ahaan Dirawalku da’da uu ku qaadanayo Liisanka wadida gaadhiga, nooca baabuurka uu kaxayn karo.” Ayuu ku dooday xildhibaanku.

Horn Cable TV.