Goolhayihii xulka Soomaaliya oo geeriyooday

Goolhayihii xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo naadiga Elman, Axmed Cabdullaahi Macallin, ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Isparta ee dalka Turkiga.

Sida uu BBC u sheegay Sh. Maxamed Maxamuud oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga, cayaartoyga ayaa dalkaas u joogay muddo sannad ah daryeel caafimaad.

“Sababta uu u aaday magaalada Isparta waxay ahayd in Qaramada Midoobay ay ka kaalmayso kharashka caafimaadka oo aad qaali ugu ahaa” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Aaska marxuumka ayuu sheegay in lala sugayo xubno ka tirsan ehelkiisa oo Turkiga ku soo wajahan.

Allah u naxariistee Axmed cabdullaahi ayaa la sheegay inuu dalka Turkiga u tegey sidii looga daweyn lahaa kansarka dhiigga gala, waxayna dadka xog ogaalka ahi BBC u sheegeen in dawooyinka loo qoray ay ahaayeen kuwo aad qaali u ah.

Dhowrkii maalmood ee ka horreeyey geeridiisa ayaa la sheegay in xaaladiisu ay sii darsatay.