Askar ku Dhug Bartay Sawirka Hogaamiyaha Mucaaradka UK, oo la Baadhayo.

 

Related image

Muuqaal si wayn ugu faafay Baraha bulshada ee internetka ayaa muujinaya, ayaa muujinaya Askar ka tirsan Militeriga Ingiriiska oo ku dhugtamaya, Sawirka Hogaamiyaha mucaaradka ee Xisbiga Laybarka ee dalka Ingiriiska.

wasaaradda Gaashaan dhigga UK, ayaa xaqiijisay muuqaalku inuu yahay ciidamadooda oo ku sugan dalka Afghanistan kuwaasi oo tababar gaar ah ku qaadayay sida loo ilaaliyo Madaxda iyo diblomaasiyiinta.

” waanu ka warqabnaa muuqaalka wareegaya baraha bulshada, hab-dhaqankaasi gabi ahaan maaha mid la aqbali karo waxaana ay hoos u dhigaysaa heerkii laga filyay Ciidamada Qalabka Sida, waxaanu ku samaynaynaa baadhitaan buuxa” sidaasi waxa yidhi afhayeen u hadlay Ciidanka ingiriiska.

Af-hayeen u hadlay  Xisbiga Laybarka ayaa yidhi ” Hab-dhaqankani waa mid dareen abuuraya, oo aan la aqabali karin. kalsooni ayaanu ku qabnaa Wasaaradda Gaashaan-dhigga Inay baadhayso oo ay talaabo ka qaadi doonto dhacdadan

HORN CABLE TV.

Waaxda Onlineka