Hindi Iyo Carab Bogaadiyay Madaxwaynaha Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Bulshada Carabta iyo Hindida ee ku dhaqan Somaliland, isla markaana taariikh dheer ku leh Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku hambalyeeyey inuu u magacaabay Maareeye ku xigeenka Haamaha Shidaalka Berbera, Cafwaan Xaamud Cabdoo  oo ka mid ah bulshada Hindida ee ku dhaqan Somaliland.

Bulshadan Hindida iyo Carabta ee ku dhaqan Somaliland oo kulan ku qabtay shalay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Xasan Saalax Siciid, Maamulaha Cisbitaalka gobolka Saaxil Khadra Cabdale iyo Amaan Almis, oo dhamaantood ka mid ah Bulshada Carabta iyo hindida ee ku dhaqan Somaliland, Caaqilka guud beesha Hindida Rafiiq Rashiid Bulsho iyo Suldaanka guud ee beesha Carabta eek u dhaqan Somaliland.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Xasan Saalax Cidiid waxaanu yidhi “Anaga oo ah beesha Hindida iyo Carabta ee Somaliland oo halkan Mahadnaq balaadhan uga diraya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo maalintii khamiistii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu u magacaabay Cafwaan Xaamud Cabdoo, maareeye ku xigeenka Haamaha shidaalka ee Hargeysa, waad ku mahadsan tahay mudane Madaxweyne magacaabista aad noo soo magacawday Aqoonyahan Cawaan Xaamud Cabdoo.

Mudane Madaxweyne waxa aad tahay Madaxweynihii ugu horeeyey ee xil noo magacaaba, waxa kale oo aanu kaaga fadhinaa Mudane Madaxweyne xilalkii beesha Carabta.

Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Maamulaha Cisbitaalka gobolka Saaxil Khadra Cabdale, taas oo sheegtay in mudo badan ay usoo samreen  sidii xil loogu macaabi lahaa.

Marwo Hadra Cabdle ayaa iyaduna waxa ay hadalkeeda ku bilawday “Waxaanu leenahay Madaxweyne Samraa sad hela ayaa la yidh maanta ayaanu helnay sadkayagii, waxaanu kaa filaynaa in intaa iyo in ka badanba aad na siiso.” Ayay tidhi Marwo Khadra Cabdile oo iyaduna halkaasi ka hadashay.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Caaqilka guud ee bulshada Hindida iyo Carabta ee ku dhaqan Somaliland Rafiiq Rashiid Bulo iyo suldaanka guud Suldaan Siciid Maxamed Salmaan.

Caaqil Rafiiq Rashiid Bulo oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca Caaqilka guud ee beesha Hindida ee Somaliland waxa aan halkan maanta hambalyo uga dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo aan leeyahay mudane Madaxweyne waad asiibtay, waxaanad noqotay Madaxweynihii ugu horeeyey ee soo xasuusta beeshan hindida iyo carabta”  ayuu yidhi Caaqil Rafiiq Rashiid Bulo.

Horn Cable TV.