Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo Goor Dhawayd ka Degay Jigjiga.

Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia Dr.Abiy Ahmed,ayaa Booqasho aan hore loo sii Shaacin Tagay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda Deegaanka Soomaalida.
Markii uu soo gaadhay Garoonka diyaaradaha Ee Garaad Wiilwaal, waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta deegaanka Soomaalida oo uu hor kacayay Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar.

Ra’iisal wasaare Abiy, oo ah Gudoomiyaha Isbahaysiga EPRDF, ayaa kulamo wadatashiyo ah la yeelan doona hogaaminta deegaanka ee ku gudo jira shirwaynaha Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida ee galay maalintiisii saddexaad.

Shirwaynaha Xisbiga waxaa  maanta lagu  doortay xubnaha golaha dhexe oo ka kooban 61 qof, waxaa sidoo kale la filayaa in galabta la doorto xubnaha gudiga fulinta.
Raysal wasaaraha ayaa ka qayb gali doona hawlaha shirwaynaha xisbiga ee deegaanka Soomaalida.
Waa markii labaad ee RW Abiy Ahmed uu yimaaddo Magaalada Jigjiga, sanadkii hore markii dhawr maalmood oo kaliya uu xilka hayay ayuu safar ku yimi jigjiga waxaana xiligaasi uu la kulmay madaxwaynihi la xidhay ee deegaanka Soomaalida Cabdimaxamuud Cumar.

 

 

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA