Qaxootiga Rohingya oo dibadbaxyo ku Xusay Sandguuradii Howlgalladii Myanmar

Kumannaan ka tirsan Rohingya ayaa dibadbaxyo ka dhigay xerada qaxootiga caalamka ugu wayn ee ku taalla dalka Bangaladesh

Qaxootiga muslimiinta ee Rohingya ee ku nool dalka Bangaladesh ayaa dibadbaxyo ka dhigay halkaasi oo ay ku xusayaan sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay howlagalkii militariga Myanmar ee ka dhanka ahaa bulshada laga tiro badan yahay ee muslimiinta ah.

Dadka ku nool xerada qaxootiga caalamka ugu wayn ayaa codsanayay inay helaan caddaalad islmarkaasna waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin ‘ Ma dhici doonto weligeed oo dambe’

Ciidammada militariga Myanmar ayaa howlgal ku qaaday Rohingya kaddib markii maleeshiyaad ka tirsan bulshadan ay weerareen xarun boolis ah oo ku taalla gobolka Rakhine 25-tii bishii Agosto.

Wixii waggaasi ka dambeeyay in kabadan 700,000 oo ka tirsan bulshada Rohingya ayaa ka qaxay dalkooda.

Qaramada Midoobay waxay ku tilmaantay howlgallada militariga ‘isir sifayn’.

Qaxootiga ka cararay rabshadaha ayaa ka sheegay dhibaatooyin jirddil iyo faraxumayn loo gaystay.

 

Sida ay sheegtay ha’yadda MSF, ugu yaraan 6,700 oo ah muslimiinta Rohingya ah oo ay kamid yihiin 730 carruur ah ayaa lagu dilay halkaasi bishii ugu horreysay ay militariga howlgal ka bilaabeen gobolka Rakhine.

Balse dowladda Myanmar waxay sheegtay inay la dagaallamayso maleeshiyaad ka tirsan Rohingya balse aysan bartilmaameedsanayn dadka rayidka.