Chicago Oo Markii Ugu Horreysay Yeelatay Maayar Madow Ah

Chicago (HCTV) – Magaalada Chicago ee Dalka Maraykanka ayaa waxa loo doortay Maayar cusub.

Maayarkan cusub ayaa noqonaysa haweenay ka soo jeeda Dadka Maraykanka ah ee Madow (African-American), waana markii ugu horreysay ee Qof Dadka Madow ka soo jeedaa uu Maayar ka noqdo Magaaladaasi.

Lori Lightfoot ayaa hore u ahayd Xeer-ilaaliye ka mid ah Dawladda Federaalka ah ee Maraykanka, imika ka horna Xafiis siyaasadeed xil kama soo qabanin.

Xilkan waxa kula tartamay 13 Musharax, laakiin Wareeggii u dambeeyay ayay banaan kaga tagtay dhammaantood, waxayna Codadkii la dhiibtay ka heshay 74%.

Maayarka cusub ee Chicago oo Taageerayaal badan oo isku soo ururray hadal u jeedisay ayaa sheegtay inay Tallaabo hore u qaadeen, isla-markaana isbeddal yar sameeyeen “Qof kasta oo idinka ka mid ahi, Maalin ayuu Maayar ka noqon karaa Chicago..” ayay tidhi, Lori Lightfoot

Lori Lightfoot oo 56 jir ah ayaa ka soo jeeda Qoysaska Dhaqaalahoodu hooseeyo.

 

Horn Cable Tv