Hay’ado Caalami ah Oo Kulamo La Yeeshay Maamulka Gabiley

Gabiley, (HCTV) – Maamulka gobolka Gabiley ayaa maanta kulamo is-xog-waraysi ah kula yeeshay magaalada Gabiley hay’addo Caalami ah oo taageero balaadhan ka geysta deegaamada gobolada Waqooyiga Somaliland oo ay hore u saameeyeen duufaantii Sagar ee dalka ka dhacday.

Kulankan ay yeesheen hay’adahan caalamiga ah iyo maamulka Gabiley ayaa waxa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley, Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley iyo maayarka degmada Gabiley iyo sidoo kale Masuuliyiinta hay’adaha World Vision, Care International iyo Mercy Corps.

Ugu horayna waxa ujeedadii kulankaasi ka hadlay maayarka degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi iyo badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed, kuwaas oo sheegay in ay maanta kulan kula yeesheen haya’adahan caalamiga ah ee iyagu maanta gobolka ugu yimid oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta hay’adaha World Vision, Care international, Mercy Corps, iyo kuwo kale oo dhamaantoodba eegayey sidii mashaariicdii duufaantii Sagar ay u fushay.

Waxaanu yidhi Badhasaabka gobolak Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed “Waxa maanta halkan noogu yimid hay’ado caalami ah oo aanu kulan la yeelanay oo ay ka mid yihiin hay’adaha World Vision, Care international, iyo Mercy Crops, waxay eegayaan mashaariicdii duufaantii Sagar ee saamaysay waqooyiga Gabiley oo runtii mashaariicdaasi ay ka socdeen dalka oo hay’adahaasi ay hawlo ka waden oo ay soo kormeeraan, xaalada hada jirtana ay eegaan.

Waxa kale oo ay u socdaan in Abaartan iyo xaaladan kale ee gobolka ku soo noqnoqotay ee roob la’aantu keentay inay eegaan .” Ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Gabiley.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Maayarka magaalada Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi ayaa sheegay inuu aad usoo dhaweynayo weftiga ka socda hay’adahan caalamiga ah booqashada ay noogu yimaadeen, waxaanu tilmaamay in kulan dheer oo saacado qaatay ay la qaateen oo aanu uga mahadcelinay sida ay wax noola qabteen.

HORN CABLE TV.