Somaliya Oo Ku Biiray kooxda Al-shabaab

 

Waxaa laga yabaa in aad markiiba ku jah-wareerto ciwanka maqaalkan, laakiin waxa aan ka hadley-no ma’aha wadankii Soomaaliya iyo Ururka hubeysan Al-shabaab, laakiin waa caaryahan lagu naaneyso Somalia oo ku biiray kooxda Kubadda Cagta Al-shabaab ee ka dhisan dalka Saudi Arabia.

29 jirkan magaciisa rasmiga ah uu yahay Wergiton do Rosario Calmon una dhashay dalka Brazil waxaa uu horay ugu cayaari jiray naadiga Toulouse FC ee ka dhisan dalka Faransiiska, hasse ahaatee hadda ku biiray kooxda Kubadda Cagta ee Al-shabaab.

Cayaaryahan-kan reer Brazil laakiin lagu naaneyso Somalia ayaa hadda ku sii jeeda dalka Saudi Arabia uu ugu biiro kooxda Kubadda Cagta Al-shabaab.

Magaca Al-shabaab waa kalmad ‘’Arabic’ ah laakiin marka Soomaali ahaan loo mac-neeyo noqoneysa dhalinyaro, hasse ahaate gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka jirta Urur hubeysan lagu magacaabo Al-shabaab oo sanadihii ugu danbeeyay-ba dagaal culus kula jirtay dowladda ay caalam-ku taageeraan ee Soomaaliya, waana wax iska caadi ah in marka uu qofka Soomaaliga ah arko kalmada Al-shabaab ay markiiba maskaxdiisa u sawirran-to Ururkan hubeysan, laakiin hadda waxa laga hadlayo waa naadi ama koox kubadda Cagta ah.