Maxkamada Dambiyada Dagaalka (ICC) Oo Baadhaysa Xasuuq Ka Dhacay Mali

Hague, (HCTV) – Maxkamada Dambiyada Dagaalka Aduunka (ICC) ayaa sheegtay inay baadhayso Xasuuq ka dhacay badhtamaha dalka Maali oo lagu laayey in ka badan 130 qof oo shacab ah.

Waxaana war ka soo baxay Maxkamada Dambiyada Dagaalka Ee ICC lagu sheegay suutagal-nimada in weerarkaasi ka dhanka ahaa bani’aadanimada ee ka dhacay dalka Mali inuu yahay mid ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay tahay in la ciqaabo cidii ka dambaysay.

Weerarkan lagu laayey dadka badan ayaa dalka Mali ka dhacay 23-kii bisha March, kaas oo tuulada Ogossagou oo ka tirsan gobolka Mopti ay kooxo maleeshiyooyin ahi ay qudha ka jareen tiro ka badan 130 qof oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.

Dhinaca kale dawlada dalka Mali ayaa sheegtay in dadka dhintay ay gaadhayaan 157 qof oo qaar badan oo ka mid ahi ay u dhinteen dhaawacyo gubasho ah oo soo gaadhay.

Dawlada dalka Mali waxay intaasi ku dartay in weerarkaasi dadka badan lagu laayey ay u soo qabteen shan qof oo looga shakisan yahay inay lug ku lahaayeen falkaasi foosha xun ee dadka badan lagu xasuuqay.

HORN CABLE TV.