Baarlamanka Australia, oo Go’aan ka Gaadhay Xildhinaabkii Beedka lagu Jabiyay.

Image result for Fraser Anning EGGING

Mudaneyaasha Golaha Sanadka ee dalka Australia, ayaa Cod buuxa kalsoonidii kagala noqday Fraser Anning, oo ah Xildhibaan, dad badan ay ka cadhoodeen kadib markii uu Soo Galootiga ku Eedeeyay inay sabab u yihiin weerarkii Masjidka NewZealand ee Ninka Hubaysani ku dilay 50-ka qof ee Muslimiinta ah.

Mudaneyaasha ayaa ku eedeeyay Xildhibaankaasi inuu jeediyay Hadal kala qaybiyay Bulshada, sidoo kale  dad badanna ku abuuray Naxli iyo Cadho ay ka qaadeen hadalkiisa.

waxaana ay Go’aansadeen in Kalsoonida  Golaha Senadka laga xayuubiyo Mudanehaasi ku hadlay kala fogaynta Buslahada ee sida gaarka ah u bartilmaameedsaday Muslimiinta iyo soo galootiga.

hase yeeshee xildhibaan Fraser Anning ayaa ku tilamaamay talaabada golihiisu ay ka qaadeen cabudhin ka dhan ah xoriyadda hadalka.

khubarada sharciga ee dalkaasi ayaa aaminsan in aan Baarlamanka laga eryi karin Mudanaha kalsoonida Lagala Noqday, hadii aan lagu helin  tastuur jabin  Toos ah.

sanatar Fraser Anning,ayaa Beed Madaxa lagaga jabiyay isagoo Saxaafadda hortaagan, isla markaana doonaya inuu Eedeeyo Muslimiintii lagu weeraray Masaajiddo ku yaala Magaalada  christchurch, ee dalka New Zealand.

Wiil dhalinyaro ah jeebka kala soo baxay beed, isla markii uu hadalka bilaabay xildhibaankani aaminsan siyaasadda midigta fog, ayuu Madaxa kala eegtay.

falkaasi oo sababay inuu Caan baxo wiilkaasi dhaliyarada ah oo aduunka oo dhan laga Soo dhaweeyay talaabada uu qaaday ee  uu kaga hortagay Cunsuriyadda Xildhibaan Fraser Anning.

HORN CABLE TV

Waaxda Online-ka