Xildhibaan Sheegay In 12 Wiil Ay Gabadh Ku Kufsadeen Boorama

Hargeysa (HCTV) – Xildhibaan ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay dhibaatada ay Dhallinyarrada koox-kooxda u abaabulan ku hayaan amniga Magaalooyinka dalka iyo Falalka ay habeenkii ku kacaan.

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka qayb-galay Dood Mudaneyaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen Xaaladda Arrimaha gudaha ee Dalka, ayaa sheegay in dhallinyarada kooxaha u abaabulan ay xilligan yihiin kuwa dhibaatada ugu badan ku haya Amniga, isagoo tusaale u soo qaatay fal fool-xun oo koox dhallinyaro ah ka geysteen Magaalada Boorama.

Mudane Xareed wuxuu sheegay in koox dhallinyaro ah oo ka kooban 12 ay Magaalada Boorama Gabadh ku wada kufsadeen, falkaasina yahay wax fool-xun oo laga xumaado, waxaanu yidhi isago arrimahaa ka hadlaya “Habeen dhawayd 12 dhallinyaro ah ayaa Boorama Gabadh ku kufsaday, waa kooxo dhisan oo marka uu mid dambi galo, inta kalena odhanayso waanu ku wada jirnay oo is-difaacaya ayaa soo baxay.”

Maxamuud Xareed Rooble waxa kale oo uu sheegay in markii Booliisku ku daaleen wax ka qabashada dhallinyarada ay xilligan marayaan inay habeenkii Booliisku ay Saldhigyada seexiyaan dhallinyarada si aanay dhibaato u samaynin “Qofkii Waayo-arag ahi wuu garanayaa halkay wax marayaan, Annagu waxaanu soo gaadhnay iyada oo haddii aanu soo istaagno meel qof weyni joogo dhegta la nagu dhufto, imikana Masaajiddadii baa lagaga tukan kari la’yahay wax kale iska soo dhaafoo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Booliisku way ku daaleen Dhallinyarada, intiina aragtay way aragtee, Booliisku waxay sameeyaan Roondo habeenkii (way wareegaan), haddana Boolisku waxay marayaan inay dhallinyaro habeenkii seexiyaan Saldhigyada si ay rabshado u samaynin, subaxdiina way siidaayaan…”

Ugu dambayn, Maxamuud Xareed Rooble wuxuu soo jeediyey Talooyin muhiim ah “Markaa Talada aan soo jeedinayaa waxa weeyaan in la xoojiyo Guddiyada Xaafadaha iyo Degmooyinka, halkaana lagu soo xaliyo dhibaatada dhallinyarada, lagana wacyi-geliyo..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv