Gudoomiye Muudey Iyo Xil. Xuseen Carab Ciise Oo Isku Khilaafay Masiirka Somaliland

Muqdisho, (HCTV) – Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia iyo xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa isku qabtay kulankii maanta oo warbixin lagaga dhageystay guddida dastuurka.

Muudey oo hadal jeedinta ku horumaray ayaa sheegay in dastuurka ay ka maqan tahay qaybo muhiim ah oo ah Somaliland, isagoo ku baaqay in guddida dastuurka ee labada golle ee Baarlamaanka federaalka Somalia uu ku soo daro arintan.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyey in dastuurka qabya-tirkiisa socoto uusan noqon doonin dastuur wanaagsan inta ay Somaliland maqan tahay, oo lagu soo koobayo koonfurta dalka Somalia oo kaliya.

Isagoo hadalkan ka jawaabayey, xildhibaan xuseen carab ciise ayaa sheegay in muudey uusan xaq u lahayn inuu ka hadlo masiirka iyo arimaha datuuriga ee la xadhiidha arimaha Somaliland arimaha Somaliland.

Wuxuu kaloo xusay inay ku jiraan golaha shacabka xildhibaano ku matalaya Somaliland kuwaas oo uu tilmaamay in hadii aan lagala tashan arimaha gobolada waqooyi ay isaga bixi doonaan dawlada federaalka ee Somalia.

Xildhibaankan ayaa xusay in muhiim ay tahay in wadahadalada Somaliland iyo dawladda federaalka in la hor keeno golaha shacabka oo looga doodo, isagoo arintaasi ku daray in xildhibaanada waqooyiga mar walba lala baarlamaro arimaha Somaliland oo dad kale uga horeeyaan.

Ugu dambayntiina xuseen Carab Ciise oo ka tirsan guddida difaaca golaha shacabka ayaa cod dheer ku sheegay in siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ay ka bixi doonaan Baarlamaanka, xukuumada iyo hay’adaha kale ee dawlada hadii aan arimaha khuseeya aan lagala tashan.

HORN CABLE TV.