Warbixin Hordhac Ah Oo Laga Soo Saaray Diyaaradii Ethiopia Ee Burburtay

Addis Ababa, (HCTV) – Diyaaradii Ethiopian Airlines ee burburtay bishii la soo dhaafay ee ay ku dhinteen 157-ka qof ee saarnaa ayaa warbixin hordhac ah oo laga soo saaray waxa lagu sheegay in Duuliyeyaashii Diyaaradaasi Ethiopian Airlines diyaaradu ay raaceen hanaanka balse ay awoodi waayeen inay maamulaan diyaarada, sida uu sheeay Wasiirka socdaalka ee dalka Ethiopia.

Dagmawit Moges ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay dalka Ethiopia waxa ay kaga dhawaaqay warbixinta hordhaca ah ee diyaarashadii siday 157-da qof ee dalkaasi Ethiopia ku burburtay bishii la soo dhaafay.

Iyadoo ka hadlaysa arinta Duulimaadkii diyaaradaasi Burburtay ayaa waxa ay tidhi “Duuliyeyaashu way raaceen dhamaan hanaanka, balse waxay awoodi waayeen inay maamulaan ama Kantaroolaan diyaarada,” ayay  tidhi Dagmawit, oo maanta soo bandhigtay macluumaadkii ku saabsanaa sababtii keentay burburka diyaaradii nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8’s.

Waxaana sidoo kale lagu sheegay oo ay warbixintu ku talo bixisay in dib loo eego hanaanka laga maamulo duulimaadyada diyaaradaha iyo sidii loo farsameeyeyba.

“Maamulka duulimaadyaduna waa in ay cadeeyaan dib u eegida hanaanka maamulida duulimaadyada in si lagu qanci karo ay u sii daayaan hawlgalada diyaaradu.”

Hase yeeshe Dagmawit may xaqiijin in dhibaatada shilka diyaaradu ay ka dhalatay hanaanka tooska ah (automatic) ee ku rakibnaa.

Horn Cable TV.