Warbixin: 5-Tii Qof Ee Dhinta Mid Ka Mid Ahi Wuxuu U Geeriyoodaa Cunto Aan Dheelitirnayn

Warbixin Uu Daabacay (Lancet medical journal) ayaa lagu sheegay Dhimashada 11 Million oo qof in Lala Xidhiidhiyay Inay u dhinteen Cunto aan Dheeli Tirnayn oo ay ku badan tahay Sonkor, Milix, Iyo Hilib Habaysan, siday ay sheegeen khubaradu. 

Shantii qofba mid ka mid ah ayaa aduunka u geeriyooda ama ay dhimashadiisa ay la xidhiidho inuu cunay ama isticmaalay cuno aan dheelitirnayn oo ay ku badan tahay Sonkortu, ama Milixdu ama xilib farabadan, oo qayb ka qaatay xanuunada wadnaha, Cancer-ka iyo Xanuunada Dhiiga ee glucose, sida lagu sheegay warbixintan caalamiga ah.

Cilmibaadhistan, oo uu daabacay wargeyska ka faalooda arimaha caafimaadka ee la yidhaa, Lancet medical journal, oo Warbixintan lagu daabacay ayaa waxa kasoo xigtay waaxda Online ee Telefishanka HCTV, waxaana lagu sheegay cilmi baadhistan in laga sameeyey 195 Waddan oo aduunka ah, waxaana lagu sheegay warbixinta in dalka Uzbekistan uu yahay dalka ugu badan ee dhimashadu ay ka soo gaadho cuntada aan dheeliga tirnayn, halka dalka Israel uu kaalinta ugu hoosaysa uu ka galay.

Waxaana isticmaalka cuntadan aan dheeliga tirnayn ee sababta dhimashada lagu ogaaday daraasada in sanadkii 2017-kii 11 million ay u dhinteen, halka in ka badan 10 milyan ay ahaayeen xanuunada ka yimaada kala xidhanka dhiiga; halka ku dhawaad 913,000 ay yihiin xanuunka cancer; halka 339,000 ay ka yimaadeen laba nooc oo xanuuunada Glucose-ta dhiiga (diabetes).

Isticmaalka cunto caafimaad qabta waxa ka mid ah cuntooyinka waddaniga ah ee midhaha, ah caana, waxaana khaddar badan leh in la isticmaalo cabitaano sonkortu ay aad ugu badan tahay, hilib la farsameeyey iyo cunooyinka ay milixdu ku badan tahay.

Waxaanay gabogabadii ay warbixintu ku talinaysaa in maalintii la isticmaalo saddex grams oo dalaga baxa ah, lagana fogaado in la cabo cabitaanada sonkortu ku badan tahay.

Horn Cable TV.