Madaxwayne Salva kiir oo u Warramay Museveni.

Image may contain: 1 person, standing

Madaxwaynaha dalka Uganda Yuweri Museveni, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxwaynaha dalka ay dariska yihiin ee Koonfurta Suudaan.
Madaxwayne Musevani ayaa war qoraal ah ku sheegay, in dhiggiisa Koonfurta Suudaan uu uga waramay halka uu marayo Hanaanka Nabadaynta colaaddaha dabada dheeraaday ee ka taagan dalkaasi.

“waxaan saaka Madaxooyada Entebbe kula kulmay mudane,Salva Kiir, waxaana uu iiga xog warramay horumarka ilaa iyo hadda laga sameeyay hirgalinta heshiiskii Nabadda.
in kasta oo ay jiraan Caqabado yar yar, hadana waxaa jira horumar. waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada inay kawada shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida” ayuu yidhi Madaxwayne Museveni.

wadanka Koonfurta Sudan oo ah dalka ugu da’da yar qaaradda Afrika, ayaa lugaha la galay dagaalo sokeeye oo daba dheeraaday, oo ay ku le’deen kumanaan qof, malaayiin kalena ay barokaceen.

Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia iyo madaxda wadamada IGAD, ayaa sanadkii hore isu keenay Madaxwayne Kiir iyo Hogaamiyaha Fallaagada Riyak Machar, si loo soo af-jaro Colaadaha Ragaadiyay Dalkaasi Curdinka ah.

 

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA