Djibouti Oo Lagu Amray Inay Bixiso Magdhow $385 Milyan Ah

Dubai, (HCTV) – Maxkamad Caalami ah oo xarunteedu tahay London ayaa amartay in dalka Djibouti uu bixiyo $385 million oo magdhaw ah oo ay siiso shirkadda ka hawlgasha dekedaha ee dalka Imaaraadka Carabtu leeyahay ee DP World, sida ay sheegtay maanta dawlada Imaaraadka Carabtu.

Maxkamadan Caalamiga ah ee ku taala magaalada London oo iyadu ka garnaqda muranada ayaa sidoo kale dalkan ku yaala Afrika ku xukuntay inay bixiso iyo lacag dulsaar ah oo ay siiso shirkadda DP World oo ay ka eriday inay ka hawlgasho dekeda Dooraale ee dalka Djibouti.

Sanadkii hore ayay dawladda Jabuuti gabi ahaanba shirkadda DP World ee Imaaraad ka eriday maamulladda dekedda oo ay ku lahayd saami dhan 33.34% halka Jabuuti lahayd 66.66%. Waxaanu go’aanka haddu salka ku hayaa lacagta ka gashay shirkadda DP World iyo ta ay ka faa’iidi lahayd wakhtiga u hadhay shirkadda DP World saamigeeda dekedda Djibouti.

Waxaanu Go’aanka hadda ujeedadiisu tahay in gabi ahaanba ay Djibouti ay joojisay heshiiskii DP World ay la gashay 2006, iyadoo leh arintaasi waxa ay ka hor imanaysaa madaxbanaanida qaranka Djibouti.

Waxaanu dalka Djibouti uu markii dambe uu heshiis la galay shirkadd laga leeyahay China oo xarunteedu tahay Hong Kong, taas oo iyadu qaadatay 23.5% boqolkiiba hawlaha laga qabano dekeda Dooraale ee dalka Djibouti.

Horn Cable TV.