Hargeysa: Barakacayaal Guyahoodii Dab Baabiiyey Oo Gargaar La Gaadhsiiyey

Hargeysa, (HCTV) – Xukuumada Somaliland ayaa gargaar gaadhsiisay dad barakacayaal ah oo dhawaan guryahooda uu dab ku qabsaday, kuwaas oo loo qaybiyey raashin iyo dhar.

Dadkan  Barakacayaasha xaafada Istanbul ee Gegmada Macalin Haaruun oo Salaasadii todobaadkan uu dab qabsaday waabari ku dhawaadkii.

Deeqdan Raashina iyo dharka isugu jira ayaa waxa dadkan gaadhsiiyey Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco, Gudoomiyaha Barakacayaasha Cabdikariin Xinif iyo Gudoomiyaha hay’adaha ka hortaga Aafooyinka Faysal Cali Sheekh.

Ugu horayna badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dhamaan masuuliyiinta gurmadkan ka qaybqaatay ee halkan jooga, gaar ahaana labadan hay’adood ee hay’adda Barakacayaasha iyo hay’adda ka hortaga Aafooyinka Qaranka oo iyagu maanta gurmadkii ugu badnaa keenay aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin.

Dadku waa dadkeenii runtii dhibaato ayaa ku dhacday waa qadar illaahay.” Ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex.

Sidoo kale waxa iyaguna ka hadlay masuuliyiinta kala duwan ee iyagu gargaarkaasi gaadhsiiyey dadkaasi Barakacayaasha ah ee Tabaalaysan oo dhawaana uu waxyeelo ba’an uu soo gaadhsiiyey dab qabsaday gurahoodii cooshadaha ka samaysnaa.

Horn Cable TV.