Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) –  Qarax xoog leh ayaa Caawa ka dhacay Muqdisho, kaas oo si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho.

Ilo Wareedo laga helayo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa sheegaya in Qaraxaasi uu ka dhacay bar kantarool oo laga soo galo dugsiga tababar Bileyska Somalia ee Jen Kaahiye.

Waxaanay wararku intaa ku darayaan inuu jiro khasaare uu dhaliyey qaraxu balse si dhab ah looma ogaan karo tiradu intay tahay.

Waxaana la arkayey gaadiidka Gurmadka degdega ah oo goobta uu qaraxu ka dhacay ka qaadaya dad ay soo gaadheen dhaawacyo.

Qof degan meel aan ka fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta Somalia u xaqiijiyey in la arkayey qaaca ka dhashay qaraxaasi, ilo wareedyaduna waxa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi uu dhaliyey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay goobta.

Dugsiga sare ee Booliska Jen Kaahiye (Iskoolo Buluusiyo) ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee laga hogaaminayo ciidamada amniga ee howlgalada ka wada Magaalada Muqdisho.

Qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa ku soo beegmaya xili taliska Booliiska gobolka Banaadir uu dadka reer Muqdisho uga digay gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey.

Horn Cable TV.