Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Ka Jawaab Hadalkii Ka Soo Yeedhay Madaxtooyada

Hargeysa, (HCTV) – Afhayeen u hadlay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, ayaa ka jawaabay hadalkii maalintii shalay ka soo yeedhay Madaxtooyada Somaliland.

Waxaana Ganacsade Axmed Cismaan Geele uu sheegay in Baankaasi xukuumada Somaliland ay ka hadashay oo magaciisa saxda ah la yidhaahdo BCIMR ay kala badh saamilay ka tahay dawlada Djibouti.

Afhayeenka u hadlay Ganacsade Axmed Cismaan Geele ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Anigoo ku hadlaya Afka Ganacsade/Muwaadin Axmed Cismaan Geele iyo shirkadihiisaba, waxaanu halkan jawaab xaqiiqo ah ugu soo bandhigaynaa ummadda Jamhuuriyada Somaliland, oo Cadaymo ku saabsan.

Waxaanu kaga jawaabaynaa Warbixintii layaabka lahayd ee maalintii bishu ahayd 4/4/2019-ka, ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland.

Marka koowaad, Madaxtooyada Somaliland waxay Muwaadin ganacsade Axmed Cismaan Geelle ay ku tilmaantay nin qaatay dhalashada Somaliland taas oo ummadda Somaliland layaab ku noqotay, iyadoo ummadda Somaliland ogsoontahay in ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu yahay muwaadin reer Somaliland ah, kana soo jeeda aasaasayaashii Somaliland. Waxbarashadiisa aasaasiga ahna ku qaatay dugsiyada Riis iyo Axmed Guray, sidoo kalena haysta dhalashada laba waddan sida Madaxweynaha Somalilandba u haysto dhalashada laba waddan.

Ugu horayn baanka Madaxtooyada Somaliland ka hadashay magaciisa saxda ahi waa BCIMR oo dawladda Djibouti ay badh ahaan leedahay, sida ku cad heshiiska aasaaska saamilayda Baankaasi.

Bulshada Somaliland waxay ogsoontahay in aanay dunida jirin Baan dayn haddyad u bixiyaa, taas badalkeeda Baan kastaa uu daymaha ku xidho shuruudo raham ama hanti maguurto ah oo ka badan daynta baanku uu ganacsadaha siinayo.” Ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Horn Cable TV.