Caasimada Libya Oo Qarka U Saaran In Dagaal Ka Qarxo

Tripoli, (HCTV) – Dawlada Libya ee baasha caalamku ay badhi-taageero ayaa ciidamo xoog leh soo dhicgtay gudaha iyo daafadaha caasimada dalka Libya ee Tripli kadib markii hogaamiye kooxda General Khalifa Haftar oo shalay amar ku siiyey ciidamadiisa milatariga inay hore ugu sii socdaan caasimada Tripoli oo ay galaan, ayaa waxa soo baxayey cabsi xoog leh iyo saansaan dagaal.

Waxaanay arintani keentay in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay isugu yimid kulan degdeg ah maamnta oo Jimce ah si ay uga doodaan xaalada ka sii daraysa dalka Libya oo mudo sanado ah qabqabalayaal dagaal ay ku hirdamayeen awooda dalkaasi.

Halka Jimcaha maanta ay ku warantay Wakaalada Waarka ee AFP in ciidamo ka tirsan General Haftar oo isagu isu magacaabay hogaamiyaha Ciidamada Qaranka Libya ay dib u riixeen maleeshiyada Zawiya, meel caasimada 30km u jirta.

Maalintii Khamiistii ayay ahayd markii ciidamada Haftar ay qabsadeen Gharyan oo 100km koonfur ka xigta caasimada Tripoli, waxaana cod laga soo duubay General Haftar oo lagu baahiyey warbaahinta kooxdiisa laga maqlayey isagoo dhaqaaqaasi uu sameeyey ku tilmaamaya ‘Guul Kacdoon’.

Dalka Libya ayaa xaalad adag iyo mid amaandaro ku jiray tan iyo intii dalkaasi ay ka dhaceen dibadbaxyadii loogu magac daray Guga CArabta oo talada dalkaasi lagaga tuuray hogaamiyihii mudada dheer ka talinayey dalkaasi ee Mucamar Al Qadaafi sanadkii 2011-kii.

Horn Cable TV.