Congress-ka Maraykanka Oo Meelmariyey Codsi Ka Dhan Ah Dagaalka Yemen

Washington, (HCTV)  – Aqalka Baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa meelmariyey codsi lagu joojinayo taageerada Maraykanku uu siiyo dagaalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu ay kula jiraan kooxda xuutiyiinta ee dalka Yemen iyo in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u diro Sucuudiga codsi kale oo uu taageerada ku joojinayo.

Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa codsigan ku meel mariyey 175 cod, waxaana laga yaabaa inuu u gudbo Madaxweyne Trump, oo loo badinayo inuu diido.

Qaraarkan la meelmariyey, ayay hore u ansixiyeen aqalka Odayaasha ee Senate-ku, waxaanu noqonayaa markii ugu horaysay ee Congress-ku uu soo saaro xeer noocan ah tan iyo xiligii dagaalkii Vietnam, oo Madaxweynihii xiligaasi ee Maraykanku uu ciidamo u diray isagoo aan ogolaansho ama ansixin ka haysan Congress-ka.

Tan iyo 2015-kii, dalka Maraykanku waxa uu siinayey taageero xulafada Sucuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, oo ay ka mid yihiin warbixinada dhinaca mukhaabaraadka inuu ka taageero Sucuudiga iyo Imaaraadka ololahooda ka dhanka ah maleeshiyada Xuutiyiinta.

Horn Cable TV.