Xoghayaha QM Oo Ka Ambabaxay Libya Xili Xaaladu Cakiran Tahay

Tripoli, (HCTV) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu ka ambabaxay dalka Libya xili uu dareemayo walaac xoog leh, kadib markii uu kulan la yeeshay General Khalifa Haftar oo isagu ciidamadiisa ku amray inay u ruqaansadaan dhinaca caasimada dalkaasi ee Tripoli.

“Waxaan filayaa in ilaa iyo hada ay suurtagal tahay in iska-horimaad dhiig ku daato laga fogaado,” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Guterres oo isagu qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka maanta oo Jimce ah.

Mr Guterres ayaan ku guulaysan wadaxaadood qaran oo uu soo qabanqaabiyey si loogaga hadlo dib u dhaca doorashooyinka.

Waxaana layaab noqotay markii khamiistii shalay uu ku dhawaaqay Generalka Ciidamada xooga leh hogaamiyaha ee General Haftar inuu ciidamadiisa ku amray inay u dhaqaaqaan dhinaca Caasimada oo ay maleeshiyooyin farabadani ku sugan yihiin.

Waxaanu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu sheegay in UN-tu ay u heelantahay inay qaban qaabiso sidii xal siyaasadeed loo gaadhi lahaa, wax kasta oo dhacana Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay taageerto dadka Libya.

General Haftar ayaa isagu Telefishanka Al-Arabiya, u xaqiijiyey inuu kulan kula yeeshay magaalada Bariga dalkaasi Libya ku taala ee Benghazi.

Waxaana la filayaa in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu saacadaha soo socda isugu yimaado kulan degdeg ah oo dalka Britain uu soo jeediyey.

Horn Cable TV.