Lacagta ku Baxda Hagoogta Garsooreyaasha Zimbabwe, oo Cadho Abuurtay.

Chief judges of the Zimbabwean Supreme Court attend the swearing-in of President Emmerson Mnangagwa.

Sabti-6-April-2019 [ HCTV ]  Wadanka Zimbabwe oo la il daran dhaqaale La’aan  xoog leh, ayaa kooxaha u ololeeya Xuquuqda aadamaha iyo Qareenada Maxkamaduhu  waxay Cadho ka muujiyeen maamul Xumo iyo lacag kumanaan doolar ah oo dawladda wadankaasi u qorshaysay in sanad walba lagusoo iibiyo Koofiyado Qaali ah oo ay Hagoogtaan Garsooreyaasha wadankaasi Zimbabwe.

” kharashka ku baxa Koofiyad dhaqameedka Waaxda cadaaladda, waa mid aan micno balaadhan ugu fadhiyin dadka reer Zimbabwe, maadaama aanay ku qabin faaiido ay ku heli karaan  Caddaalad” sidaasi waxaa yidhi Arnold Tsunga,oo ah agaasimaha ururka caalamiga ah ee garsoorka afrika.

Hopewell Chin’ono, oo ka mid ah,Suxufiyiinta ugu Caansan Dalkaasi Zimbabwe, oo arrintani ka hadlay ayaa yidhi ” Dalkani waxaa Dhibaato ku haya Masiibo Maamul Xumada khayraadkiisa ah, sidee ayaad u sharaxi kartaa in dawladdu ay ugu talo gashay lacag dhan $155,000 koofiyadaha garsooreyaaha ee laga soo iibiyo Egland, halka dawladdu ay ku fashilantay inay soo iibiso baandhays ama faashad iyo Aayodhiinta Nabraha lagu dhayo ee looga baahan yahay Waadhadhka Caruurta” ayuu yidhi Mr.Chin’ono

waa uu sii waday hadalkiisa waxaana uu yidhi ” waxaa jira dad ka hadla Madaxbanaanida dalka, iyagoo ku qayliya hadallo ku ka dhan ah Gumaystihi Dalka, Ku darsoo wali waxay xidhan yihiin Koofiyadihii Foosha Xumaa” Hopewell

Wadamada Malawi, Ghana, Zambia, iyo dalalka Kariibiyaanka ayaa ka siman Koofiyadaha Noocan ah ee ay xidhaan Garsooreyaashu, waxaana laga Sameeyaa Dhogorta Fardaha.
meelaha ugu Caansan ee lagu sameeyo waxaa ugu horeeya wadanka Ingiriiska, oo gumaysan jiray dalka Zimbabwe waana meesha sanad walba lacagtaasi ay ku dambayso.

Zimbabwe's President Emmerson Mnangagwa, left, shakes hands with the country's chief justice Luke Malaba.

Wadanka Zimbabwe waxaa soo wajahday Xaalad Dhaqaale La’aan ah waxaana Musallafay dhammaan khasnadihii lacagta ee dalkaasi lahaa.
Madaxwaynaha Wadankaasi Emmerson Mnangagwa, ayaa wadamada Dariska ah waydiistay lacag Deyn ah si uu dalkiisu ula tacaalo lacag la’aanta , basle wadamo dhawr ah ayaa ka cago-jiiday maadama dalabka Zimbabwe uu ahaa mid ku kacaya Malaayiin Doolar.

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA