Akhri: Guri-Barwaaqo Oo Shaqaalaha Warfaafinta Ku Sagootiyey Eedo Culculus

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo ayaa sheegay in Shaqaalaha Wasaarada Warfaafintu ay ka dambeeyeen Xaruntii Isgaadhsiinta ee dhawaan gubatay ee Wasaaradaasi iyo sidoo kale Idaacada Radio Hargeysa qaybtii la hadlaysay dibada oo iyaduna mudooyinkii u dambeeyey fadhida oo uu sheegay Wasiirku in la fadhiisiyey.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ayaa sidaasi sheegay mar ayaa intaa ku daray in la soo gabogabeeyey baadhitaan arintaasi ku saabsanaa, waxaanu sheegay in shaqaale ka tirsan Wasaaradaasi oo lagu tuhunsan yahay arintaasi ay wali xidhan yihiin.

“Ayaan daro xafiiskaasi waa la gubay, dadkii gubay dad badan ayaa u xidhan, gacanta ayaa lagu hayaa baadhitaankii waa la dhameeyey.

Dawlada ayaa talaabadii ay ka qaadayso ay jirtaa  taana waad la socotaa,” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo, waxaanu intaasi ku daray

mar uu ka hadlayey cilada ay la fadhido idaacada Radio Hargeysa qaybta la hadasha dibada ayaa waxa uu yidhi “Idaacada weyn, Soomaalidu waxay tidhaahdaa war la qabaa xiiso ma leh, dadbaa is-yidhaahda Wasiirada ama dawladda ku cambaareeya idaacadu way fadhidaa, Idaacadu maaha Idaacad aynu inagu samaysanay oo aynu farsamadeeda naqaanay waynu soo iibsanay qalabku markuu ka jabo waa in la diraa inta la keenayana waa in ay fadhidaa, maaha gaadhi kaa jabay iyo sidaas oo kale, labada jeer ee ay fadhiisatayba waa la fadhiisiyey, hebel baa fadhiisiyey ma odhanayo, waxaanu idinka codsanaynaa Wasiiradaa cusub inaad la shaqaysaan.

Hadaad idaacada fadhiisisaan taa macnaheedu maaha Wasiirka Idaacadiisa ayaad fadhiisisay, Waxaad Fadhiisisay idaacadi qaranka. Qalabkii waanu dalbanay wuu imanayaa, kamaradihii aanu ku xidhnay waxay cadeeyeen in sidii haboonayd ee loo shidayey aan loo shidin, cidii falalkaasi ka dambaysay waanu gudbinay magacyadoodii, waana la sheegi doonaa” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo maanta xilkii Wasaaradaasi ku wareejiyey Wasiir cusub oo dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi uu usoo magacaabay inuu badalo.

Horn Cable TV.