Cudurka Daacuunka Oo Dilay 300 Qof

Yemen (HCTV) – Xanuunka Kallooraha ama Daacuunka ayaa Dad ka badan Saddex boqol oo Qof ku dilay Dalka Yemen.

Xanuunkan oo ku soo laba-kacleeyay Dalka Yemen, ayaa waxa u jiifa boqollaal Qof oo isku jira Waayeel iyo Carruur, kuwaasi oo Xaaladdooda lagula tacaalayo Cisbitaallada Dalkaasi ee sii shaqeeya.

Cimilada Dalkaasi oo kulul iyo Adeegyadii Caafimaad oo dagaalladu wiiqeen ayaa qayb ka ah inay Cudurradu ku faafaan Dalka Yemen, sida ay Werisay Al-jazeera oo Horn Cable uu Warkan ka soo xigtay.

Dagaalladii Dawladdii burburtay Yemen iyo Shiicada Iran taageertaa muddada u dhexeeyay iyo duqaymaha Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ku hayaan Shiicada ayaa burburay adeegyadii aasaasiga ahaa ee Dalka, taasina waxay khasab ka dhigtay in Cisbitaalladu bixin kari waayaan adeegyadii bukaannadu uga baahnaayeen ama awooddii ay ku xadidi lahaayeen faafidda xanuunnada.

“Cisbitaalkani waa  mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn Cisbitaallada Yemen, waxaanu qaabilay ku dhawaad 1000 Qof, boqolkiiba Afartan ka mid ah Dadkaasi waxa haya xanuunka Kallooraha..” ayuu yidhi, Maamulaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Ticis.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in bishii u dambaysay la diwaangeliyey 76 kun oo Qof oo qaba Xanuunka Daacuunka, kuwaasi ay ka mid ahaayeen 300 boqol ee uu dilay.

Qaramada Midoobay oo ka wer-wersan Xanuunkan marka labaad ku soo laba-kacleeyay, ayaa sheegtay in Xanuunkani uu sannadkii 2017-kii dalka Yemen ku dilay dad ka badan 3000 Qof.

 

Horn Cable Tv