Wefti Eritrean Ah Oo U Socdaalay Somalia

Muqdisho, Somalia, (HCTV) – Wefti heer sare ah oo ka socda dalka Eritrea ayaa socdaal ku tagay Somalia maanta oo sabti ah si ay wadahadal u yeeshaan labadan dal ee ku yaala Bariga Afrika.

Weftigan Eritrean-ka ah ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka Arimaha Dibada, Cismaan Saalax, waxaana garoonka diyaaradaha ee Adan Cade kaga hortagay oo ku soo dhaweeyey dhigiisa Arimaha dibada Somalia, Axmed Cawad.

Masuuliyiintan Eritrean-ka ah ee socdaalka ku tagay Somalia ayaa waxa ka mid ah Yemane Gebreeb oo ah la taliye aad ugu dhow madaxweynaha Eritrea Asaias Afwerki.

Sidoo kale Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la kulmay Wasiirka Khaarajiga Cismaan Saalax iyo la taliyaha Madaxweynaha Eritrea, Yemane Gabreab, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

Hase yeeshee, Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaan cadayn ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa socdaalka weftiga Saalax.

Waana markii labaad ee wefti noocan ahi uu ka yimaado Asmara una socdaalo Muqdisho, mudo ka badan labaatan sano oo aanay labada dawladood yeelan wax xidhiidh diblomaasiyadeed ah.

Horn Cable TV