Nigeria Oo Laga Digay Xidhashada Suudhka Iyo Tayga

Abuja, (HCTV) – Dalka Nigeria ayaa xiligan waxa ku habsaday kulayl xad-dhaaf ah oo dadku qarka u saaran yihiin inay u dhintaan kulaylka daran ee Cadceeda, xiligan oo la filayo in roobabka gu’gu ay ka curtaan dalkaasi todobaadada soo socda.

Cimiladan daran ee kulul ayaa dalkaasi ka jirtay tan iyo bishii March ee la soo dhaafay, waxaana hay’adda la socoda cilmilada ee dalkaasi Nigeria (NiMet) ay sheegtay in todobaadadii la soo dhaafay ay dhamaan qaybaha dalka ay saamaysay cimiladan kululi, walow ay ugu daran yihiin dhulka xeebaha oo kulaylku uu kor u dhaafay 42.2C sida magaalada Minna oo 120km Waqooyi-galbeed kaga beegan Abuja, halka magaalooyinka aan xeebaha ahayna uu kulayku dhaafay 35 degree Celsius.

Waxaanay dadka dalka Nigeria ay la halgamayaan sidii ay ula macaamili lahaayeen cimiladaasi, halka dawlada Nigeria ay kulaylka ka soo saartay digniino ku wajahan khatarta ay leedahay cimiladani.

Olwafemi Akinbode oo ah khabiir ku takhasusay deegaanka ayaa sheegay in isbadalkan cimiladu ay leedahay khatar caafimaad oo guud.

“Marka aad kulushahay, jidhku wuu biyo-baxaa,  dadka yaryar iyo dadka waaweynba waxa soo wajihi karta xaalad caafimaad oo degdeg ah marka kulayka noocan ahi uu jiro,” ayuu yidhi Olwafemi Akinbode.

Kulayl noocan ah ayaa la filayaa inay sii jirto ilaa bisha May, marka cimilada rooban ee la filayaa ay ku fido guud ahaan waqooyiga dalka.

Sidoo kale dadka dalka Nigeria ayaa digniino kala duwan isku marinaya baraha bulshada, waxaana dadka looga digayaa in xiligan ay xidhaan dharka ay ka midka yihiin Suudhka iyo Tayga iyo in aan dadku ka fogaan biyaha oo ay biyo badan cabaan si aan jidhku u biy-bixin ama ku dhacdo biyo la’aan, sidoo kalena ay hadhqoodaalada ay dadku ka galaan cadceeda kulul iyo cimilada adag oo keentay in dadka waaweyn iyo caruurtaba ay ku adkaatay qaadashada hawadu.

Horn Cable Tv.

Waaxda Online-ka