Libya: General Haftar Oo Digniintii U Dambaysay Loo Diray

Tripoli, (HCTV) – Codsigii iyo digniintii ugu dambeeyey ayaa loo jeediyey General Khalifa Haftar oo isagu sheegta hogaamiyaha Ciidamada Qaranka Libya, inuu dib uga joogsado wax kasta oo keeni kara weerar uu ku qaado Tripoli oo ah caasimada Libya, kadib markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu ka digay talaabo milatari iyo in talaabo milatari ay keeni doonto cawaaqib xun.

Waana markii ugu horaysay ee beesha caalamku ay General Haftar u cadayso inuu qaadi doono masuuliyada weerar gardaro ah, dedaalada fashilmay, waxaanu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ku booriyey in wadahadalada lagu dhexdhexaadinayo ay ka dhacaan Geneva isaga iyo Raysal Wasaare Fayez al-Sarraj.

Maalintii Arbacadii ayay ahayd markii Haftar uu ku dhawaaqay inuu weerar ku qaadayo Caasimada Tripoli iyo in diblomaasiyadu ay ka cabsanayo dhibaatooyinka ka sii daraya ee dalkaasi ka jira in la xakameeyo.

Waxaana jirta rajo baaqi ku ah in Haftar uu qalad fahmo fariinta isbaysiga ay siiyeen isaga inuu u fahmo in weerkiisa la mahadinayo, Midawga Yurubna waxaabay sameeyeen dedaalo lagu hubinayo in Maraykanku inuu u sheegay Haftar inuu dib uga istaago weerarka, farina uu ugu diro saddexda dawladood ee Generalka taageera ee Masar, Sucuudiga iyo Imaaaadu inay sidoo kale sameeyaan.

General Haftar oo isagu ah ninka sheegta hogaamiyaha ciidamada Qaranka Libya ayaa 27-kii March magaalada Riyadh kula kulmay boqor Salmanka dalka Sucuudi Carabiya.

Horn Cable Tv