“Madaxweynuhu, Waa Inuu Dhegaysto Xadiiska..” Sheekh Aadan-Siiro

Hargeysa (HCTV) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Ahmiyadda Islaamku siiyey Wada-tashiga.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan ka hadlayaa Wada-tashiga, Islaamku wuxuu ku celceliyey Wada-tashiga iyo Qiimaha uu leeyahay, Ummadaha horumarkooda waxa laga eegaa qaabka ay u wada tashadaan, haddii Wada-tashigu yaraado waxa yaraada Haleelka ay haleelayaan mar walba talada ay doonayaan, hadduu Wada-tashigu batana waxa bata in go’aannada ay qaadanayaan iyo Talooyinka ay ummadda u soo jeedinayaan inta badan ay xaqa u dhawaato. Tiirarka ugu waaweyn ee Islaamku ku dhisan yahayna waxa ka mid ah Wada-tashiga.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu tilmaamay sidii Rasuulkeena Muxamed CSW ula tashan jiray Asxaabtiisa “Taariikhda laguma hayo, Kitaabka laguma hayo, Sunnaha Rasuulka laguma hayo, Arrin aan ahayn waxyi ku soo degay Nebiga CSW oo aanu Muslimiinta kala tashan, go’aan uu qaatay oo aanu kala tashan Dadka ay khusayso Taariikhda laguma hayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Xukuumadda Somaliland “Xukuumadda waxaynu kula talinaynaa, Waar go’aannada aad qaadanaysaan Taladeeda badsada, waxa Dadkiina khuseeya taladooda badsada.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Xadiis uu Rasuulka ka weriyey Imaamu bukhaari oo ay tahay in Madaxweynuhu aad u dhegaysto ayaa odhanaya ‘Ilaahay Nebi ma soo-saaro, Qofna Ilaahay SW ma khilaafo (Madax kama dhigo), wuxuu u sameeyaa laba Saaxiib hoosaad, Saaxiib hoosaad wuxuu aad ugula talinayaa wixii wanaagsan, Saaxiib hoosaadna wuxuu kula talinayaa wixii xun..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Qofkii Ilaahay wanaag la doono wuxuu u sameeyaa Wasiir wanaagsan, hadduu Iloobo wuu xasuusinayaa, hadduu xasuustana wuu ku kaalmaynayaa’ ayuu yidhi Rasuulka CSW..”

Sheekh Aadan wuxuu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa “Waddanka waxbaa guur-guuraya, Xukuumadda waxaanu u sheegaynaa Arrimaha Dadkaaga khuseeya aad uga fiirso, kuwa ag-joogana waxaanu leenahay waar Madaxweynaha Talada wanaagsan kula taliya, wixii Dadkaaga, Dalkaaga, Hantidooda khuseeya, Waayo? Qofka Masuuliyadda qaadaa isagaa ka masuul ah Qofka Muslimka ah, Hantidiisa iyo Cirdigiisa, markaa maaddaama oo ay Masuuliyaddaada tahay arrin kasta oo yimaadda waa in xikmad iyo Caqli lagu eego si go’aammada aad qaadanayso khalkhal ugu keenin, waa inaad taladiisa badsato.”

Ugu dambayn, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay oo kale “Meel ay ku taallaa ma jirto, Qof Muslim ah in go’aan la siiyo oo aan la dhegaysan  oo aan gartiisu waxay tahay lagu eegin Dadkaasi wixii ay dhigteen. Xukuumadda waxaanu leenahay Waar Dadka isku haya oo Dhegaysta, Dadka idinkaa ka Masuul ahe..” ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo gebogabeeyay.

 

Horn Cable Tv