Afrika: Baaskiilkii U Horreeyay Ee Ambilaas Ah Oo La Hirgeliyey

Uganda (HCTV) – Dalka Uganda ayaa ka mid ah Dalalka Afrika ee Dumarku fool-arooraan xilliga dhalmada iyo Carruurta ku dhimata markay dhashaan ka dib.

Sababtaas ayaa loo aanaynayaa Xarumaha Caafimaad oo ka fog-fog Haweenka Uurka leh iyo Gaadiidka oo ku yar inta badan Degaannada aan Magaalooyinka ahayn ee Dalka Uganda.

Dhibaatadaasi waxay keentay in Maalin kasta 15 Dumar ahi Geeriyoodaan Dalka Uganda, iyagoo uur leh ama markaasuun umulay.

Si dhibaatadaas qayb ahaan loo yareeyo ayaa Urur lagu Magacaabo (FABIO) wuxuu hindisay isla-markaana hirgeliyey Baaskiiladihii u horreeyay ee Ambilaas ahaan loo adeegsado, laguna qaado Dumarka Uurka leh si Goobaha Caafimaad loogu gaadhsiiyo.

Baaskiiladaha oo si lacag la’aan ah Dadka u qaada ayaa illaa hadda ka shaqeeya laba Goobood oo ku yaalla gobollada Badhtamaha ee Dalka Uganda, waxayna noqonayaan adeeggii ugu horreeyay ee noocaas ah ee Afrika laga hirgeliyo.

Naigaga oo ka mid ah Boqollaal Haween ah, Dad waayeel iyo Carruur xanuunsanaya oo ay si joogto Baaskiiladahani uga shaqeeyaan ayaa Cabbirtay dareenkeeda la xidhiidha adeeggan cusub “Haddaanu nahay Dumarka Uurka leh, xilli kasta diciif ayaanu nahay..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Baaskiiladahani waxay noo qaadaan Cisbitaallada, waalla na daweeyaa, dibna way noo soo celiyaan..”

Adeeggan cusub oo la filayo inuu ku faafo dalalka Afrika, ayaa muhiim u ah Dadka deggan dhulka baadiyaha ah, maaddaama oo meelaha qaarkood aanay gaadiidka waaweyni mari karin, balse uu baaskiilkan u fudud yahay.

 

Horn Cable Tv