Soomaaliya: Magacyada Saddex Wasiir Oo Cusub Oo La Magacaabay

Muqdisho (HCTV) – Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Magacaaabay Saddex Wasiir oo cusub.

Raysal-wasaaraha ayaa Magacaabay Foosiya Maxamed Sheekh oo noqonaysa Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Soomaaliya, xilkaasi oo uu iska Casilay Cabdicasiis Lafta-Gareen oo dhawaan loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed.

Waxa kale oo uu Raysal-wasaaruhu Magacaabay isla-markaana soo buuxiyey Wasiirka Wasaaradda Dastuurka oo uu u Magacaabay Saalax Axmed oo ahaa Wasiirka shaqada, ka dib markii laba Toddobaad ka hor uu Xilkaasi ka geeriyooday Wasiirkii hayn jiray Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh jibriil.

Sidoo kale, Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya ayaa loo magacaabay Sadiiq Xirsi Warfaa

 

Horn Cable Tv