Xukuumadda Oo Si Taxader Leh Uga Hadashay Qadiyadda Axmed Cismaan G. Arab

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka digay in la siyaasadeeyo khilaafka Maaliyadeed ee u dhexeeya Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo baanka Faransiiska ah ee BCIMR.

Wasiir Diiriye oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo daba socda hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ahaa inay khalad tahay inay Xukuumadda Somaliland dhex gasho qaddiyaddaasi ayaa yidhi “Cabdiqaadir Jirde wuxuu yidhi Cid bay is haystaan (Ganacsade Axmed Cismaan Geelle) oo Dawladdu inay dhex gasho maaha, Dawladdu ka wakiil ah Dawladda Jabuuti.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Ganacsaduhu yahay Muwaadin reer Somaliland ah, isla-markaana uu haysto dhalashada Dalka Jabuuti, sidaasi darteed Hantida uu ku sheeganayo in Dawladda Jabuuti ka qaadday lagala hawl-gali karo, laakiin isaga looga baahan yahay inuu is-baraxo “Axmed Cismaan Geelle Muwaadin-buu ka ahaa Jabuuti, hadday wax ka yaallaana iyo wixii uu uga baahdaba wax waa lagala qaban.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey Xukuumadda Somaliland aanay Baanka Faransiiska ee Deynta ku sheeganaya Ganacsade Axmed Cismaan Geelle aanay u diidi karayn inuu Somaliland Dacwad ka furto “Laakiin Cid socota oo leh Cid baanu wax ku leenahay, Xukuumadda Somaliland odhan kari mayso kuma lihid, Dacwad ha furana odhan kari mayso, markaa meesha cudur kuma jiro ee yaan cudur la gelinin..”

Wasiirka Warfaafintu wuxuu ka digay in Ganacsadaha hantidiisa lagu ciyaaro inta muran la geliyo, isagoo tusaale u soo qaatay Madax-dhaqameed dhawaan sheegay in Axmed Cismaan uu xabsi guri ku jiro “Hantida Muwaadinkana yaan lagu khamaarin, yaan la hayste laga dhigin, goormaa xabsi guri galay Axmed Cismaan, ma Somaliland baa xidhaysa oo uu xabsi guri kaga jiraa..”ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey in Ganacsade Geelle uu Jabuuti tagi karo, hadduu ka baqana looga ergayn karo “Ta Jabuuti, hadday wax sheegasho jirto Dalku wax ha igala qabto wuu odhan karaa, la liqi maayee Qofku inuu is baraxo ayaa loo baahan yahay, waanu tagi karaa Jabuuti, hadduu baqo ka qabana waa loo ergoon karaa, horena waa loogu ergooday oo Dad waaweyn baa loogu diray..”

 

Horn Cable Tv