Somaliland Iyo Somalia: Xudunta Xiisada Gobolka

Nairobi, (HCTV) – Kenya ayaa ka fal celisay isku day Raysal Wasaaraha Somalia, Xassan Cali Khayre uu ku faragalinayey kulan shantii March ay Nairobi ku lahaayeen Raysal Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed Cali, iyo Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo.

Tan iyo intii Raysal Wasaaraha Somalia uu ku xigeen uga dhigay hay’adda NISA, Fahad Yaasin Haji Daahir, oo isagu ah nin Qatar ku dhex nooshahay, ayaa Kenya waxay go’aansatay inay raad-gurto. Kadib markii Fahad Yaasiin uu daneeyey dhowr shirkadood oo Kenyan ah. Nairobi-na waxa ay waydiisay inay Saami Qatar ka siiso Shirkadda Shidaalka ee Talyaaniga ee ENI, taas oo iyadu Kenya ka taakulaysa marinka Maraakiibtu Maraan ee Xadka ay ku muran san yihiin Somalia iyo Kenya.

Sida ay sheegayaan xogaha uu helay Indian Ocean Newsletter oo aanu ka soo xiganay warbixintan, In socdaalkii uu ku tagay Muqdisho 16-kii ilaa 17-kii March Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele uu daaranaa in si toos ah uu ugaga digo dawlada Somalia inay ka shaki ay leeyihiin  Ethiopian-ka iyo Eritrean-ku oo iyagu aan doonayn inay dib u soo noqoto xasiloonida Somalia.

Waxaanu arintaasi si aan toos ahayn ugu sheegay Madaxweynaha Djibouti hadalkii uu u jeediyey  Baarlamaanka Somalia, isagoo isticmaalay in Xildhibaanadu ay kala saaraan dantooda iyo danta qaranka oo ay si balaadhan uga war hayaan talaabooyinka dawladooda.

Sidoo kale, 18 March, wefti Eritrean ah oo uu horkacayay Wasiirka Arimaha Dibada Cismaan Saalax Maxamed, iyo la-taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Issayas Aferworki, Yemane Gebreab, ayaa Hargeysa socdaal ku tagay, waxaana go’aanka Eritrean-ku ay socdaalka ugu baxeen Somaliland ay diraysay fariin jawaab u ah Socdaalka Ismaaciil Cumar Geele safarkii uu ku tagay Somalia.

Waxaana Labada Masuul ee ka soo kicitimay Asmara ay amaaneen Dhaqaalaha, Siyaasada iyo Guulaha Bulsheed ee uu ku talaabsaday dalkan ay martida u yihiin ee Somaliland, waxaanay ku dhawaaqeen in Eritrea ay u heelantahay xidhiidh dhow oo wadashaqayneed inay la yeelato Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Eritrea waxa ay marti galisaa Saldhig Sucuudigu leeyahay, waxaana daba socday heshiis wadashaqayneed oo dhinaca milatariga ah oo April 2016-kii ay la saxeexdeen Boqor Salman bin Abdulaziz al Saud (ION 1430), Somalilandna waxa ay qayb ka tahay golaha iskaashiga wadamada gacanka ee (GCC), waxaanay Somaliland u ogolaatay Imaaraadka Carabta inuu dhulkooda ka dhisto Saldhig Milatari.

Horn Cable TV.

Waaxda Online-ka