Dibed-baxyada Ka Socda Sudaan Oo Sii Xoogaystay

Kharroum (HCTV) – Dibed-baxyada ka socda Caasimadda Dalka Soudan ee Khartoum ayaa Maalinba Maalinba ka dambaysa kor u sii kacaya.

Isniinta Maanta, waxa Boqollaal Dibed-baxayaal ahi Mudahaad la hor-tageen Albaabka Wasaaradda Difaaca ee Dalkaasi oo sidoo kalena ah Xarunta guud ee laga Maamulo Cidiammada dlakaasi, iyagoo ku qaylinaya Kalmado ay ku dalbanayaan inuu xilka ka dego Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir.

Laakiin, Ciidammada Amniga oo doonaya inay kala didiyaan Dibed-baxayaasha ayaa ku riday Sunta Dadka kaga ilmaysiisa, sida uu Al-jazeera u sheegay Qof goob-jooge ah “Intaa ka dib, Ciidammada Amniga ayaa bilaabay inay Dibed-baxayaasha ku ridaan Sunta Dadka kaga ilmaysiisa..” ayuu yidhi.

Qof kale oo Goob-jooge ah ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in Ciidammadu isku xeereen Wasaaradda Difaaca, Waddooyin muhiim ah oo Caasimadda ahna ay xidheen, meelana ay kaantaroolo ka samaysteen, iyagoo ka cabsi qaba in Dibed-baxayaashu qabsadaan xaruntaasi, laakiin dibed-baxayaasha ayaan tallaabooyinkaasi xanibin, balse dib isku soo urursanaya, si ay u sii wadaan Mudaharaadkooda ay ku dalbanayaan inuu is casilo Madaxweyne Al-bashiir.

Xaaladdan adag ee uu Dalka Suudaan ku sugan yahay ayaa waxa sii dhiiri-geliyey Madaxweynihii Dalka Aljeeriya Cabdicasiis Mutafliqa oo iscasilay, markii ay toddobaadyo Mudaharaaddo wadeen Shacabkiisu, waxaana Shacabka Suudaan doonayaan inay sidaasi oo kale xilka uga dego, laakiin Al-bashiir ayaan illaa hadda u muuqan inuu diyaar u yahay inuu iscasilayo.

 

Horn Cable Tv